Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: “Waxaan Al-Shabaab ugu biiray si dhagaxii dahabka ahaa ee laga helay Ceel-Cali aan wax ugu yeesho”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Maxamed Nuur Barre oo loo yaqaan Dhicisow oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel ee Maamulka Galmudug ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu ugu biiray Al-Shabaab iyo sidii uu markii dambe uga soo baxsaday.

Dhicisow oo ah Oday lugaha naafo ka ah isla markaasna Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Maxamed Ceeli-Cali ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ugu biiray sidii wax uga heli lahaa dhaqaalaha dhagax ay Al-Shabaab ka qaadeen deegaankiisa Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan.

Dhagaxa ay Al-Shabaab ka qaadeen ganacsadaha oo sheekadiisa ay qabsatay Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa markii dambe kasoo iibsaday ganacsade kaasoo markii uu isku dayey inuu xamar ka dhoofiyo ay kala wareegtay Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA, wuxuuna ahaa Dhagax uu ku dhex jiro  Dahab iyo Dheeman.

Dhicisow oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay dhagaxa qaateen ay dadka deegaanka u sheegeyn inay leeyihiin dhaqaalaha laga helo afar meelmood meel (Rubac) taasiina ay sababtay inuu ku biiro Al-Shabaab si uu u maamulo dhaqaalaha Al-Shabaab u ballan qaaday dadka deegaanka.

“Waxaan is iri haddii aad wax ka heleyso maa Shabaab iska noqotid, Nin curyaan lugaha ka ah oo qallal qaba ayaan ahaa,” ayuu yiri Dhicisow.

Wuxuu sheegay markii uu Al-Shabaab ku biiray in laga qaaday Ceel-Cali isla markaasna la geeyey meel lagu magacaabo Marjis halkaas oo uu ku sugnaa muddo lix bilood ah sida uu hadalka u dhigay

“Markaan ku biiray Al-Shabaab durba waxaa la iga qaaday Ceel-Cali, lix bilood waxaan joogay Marjis oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, kadib waxaa la ii qaaday deegaan kale oo ku dhow Ceelbuur,” ayuu mar kale yiri Dhicisow.

Dhicisow ayaa sheegay inuu Al-Shabaab la joogay muddo Sagaal Bilood ah, wuxuuna xaqiijiey in kaliya mushaar la siiyey seddex bil.

Wuxuu intaas ku daray in sagaalka bilood ee uu Al-Shabaab ka tirsnaa uu ku sugnaa Gobolada Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe, isagoo sheegay inuu ka mid noqday ciidamada Al-Shabaab bishii April ee sanadkaan.

Dhicisow oo ka sheekeenayey nolosha adag oo uu kula noolaa Al-Shabaab ayaa sheegay inaan loo ogoleyn inuu isticmaalo Moobeel, balse loo keeni jiray kaliya marka mushaarka loogu shubo si uu ehelkiisa ugu dirsado.

“Nalooma ogoleyn inaan isticmaalno Moobeelka, kaliya waxaa naloo keeni jiray bishii halmar, waana marka lacagta mushaarka naloogu shubo, Fasax waa la ii diiday, waxan raadiyey qaab aan ku baxsado, ugu dambeyna way ii suurta gashay,” ayuu yiri Dhicisow.

Markii uu Dhicisow isisoo dhiibayey ayaa waxaa la socday Mowliid Cumar faarax  (Ciro), waxayna labadaba codsadeyn in la cafiyo.

Sidoo kale labadaan nin ee Al-Shabaab kasoo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Dhicisow

The post Daawo: “Waxaan Al-Shabaab ugu biiray si dhagaxii dahabka ahaa ee laga helay Ceel-Cali aan wax ugu yeesho” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this