Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii Kismaayo “Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan aad u jeclaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha kooxdii shalay lala beegsaday qaraxii Kismaayo, Ismaaciil Cali Cabdi ayaa ka hadlay qaraxii Shalay lala beegsaday kooxdii kubadda cagta ee Shalay ka qeyb geli rabtay furitaanka horyaalka kooxaha Jubbaland.

Qaraxa ayaa shalay galinkii dambe lalabeegsaday gaari bas ahaa oo ay saranaayeen ciyaartooda JCCI ee Jubaland ,khasaaraaha dhimahasda ayaa korortay iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dhawaacyada ciyaartooyda laga dayrinayo.

Guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay inay ka dhinteyn ilaa 3 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ciyaartoy halka midka kalana uu ahaa darawalkii gaarka ahaa ee kooxda.

Wuxuu sheegay in dhaawaca cayaartoyda soo gaaray uu yahay illaa 5 qof oo laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha.

“Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan u jeclaa, ma garan karo waxa loona beegsanayo maadama aan nahay bulshadii rayidka , dhalinyaro mustaqbal leh qaarkood sanadkan dugsi sare dhammeeyay, jaamacad filyayay” ayuu yiri Ismaaciil.

Mar wax laga waydiiyey cidda ay ku tuhmayaan qaraxa lala beegsaday ayuu sheegay inaysan garaneyn cidda beegsatay iyo sababta loo beegsaday maadaama uu sheegay inaysan kamid aheyn dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Ma jirto illaa hadda koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu weeraray dhallinyaradaan, balse falalka noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab oo horey u fulisay qaraxyada noocaan oo kale ah.

The post Qaraxii Kismaayo “Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan aad u jeclaa” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this