Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xulasho tii ugu xumeyd

Recommended Posts

Magaca ayee doorasho ugu ciyaareen. This is one of the main reasons they were against doorasho qof iyo cod ah because dad ay gacantooda ku keensadaan ayee rabaan. Why would even mid hal magaalo ka taliyo soo xulanaa both candidates. What kind of BS xulasho is this.

Afar Senator oo kusoo baxay doorashadii Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ka dhacay

Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashada maanta oo aheyd mid xasaasi ah, islamarkaana billow u aheyd doorashada Aqalka Sare, ayaa kusoo baxay Afar Senator, halka ay ku tartamayeen 9-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda ay hore u baahisay Caasimada Online, kadib markii ay heshay xog ku aadan u gacan gelinta kuraastaas oo uu sameeyay Axmed Madoobe.

Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb-gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Maxamed Axmed Sayid ayaa helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hase yeeshe waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac, waxaana u codeysay 71 mudane, wuxuuna sidaas Fartaag ku noqdo Senator-ka labaad ee kusoo baxa doorashada.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 cod.

Kursiga Afaraad ayaa sidoo kale waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hase yeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana sidaas ku hantay Iftiin Xasan Iimaan Baasto oo cod gacan taag ah ku noqdo Senator-kii Afaraad ee ku guuleysta kursigaas.

Arrimaha yaabka leh ee ka dhacay doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa aheyd in badanaa ay musharaxiinta qaarkood tanaasuleen, halka qaarkood hore looga sii shaqeeyay in cod aqlabiyad ah kusoo baxaan.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ay heshay oo sheegaysay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa. s0268.gif

Labada Nin ee ay keensadeen Fartaag iyo Iftiin ayaa u tanaasulay, waxayna sidaas ku heleen cod aqlabiyad ah oo ay uga mid noqonayaan Senator-da cusub ee Aqalka Sare.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.