Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaanka Mareexaan oo Hawiye u diray farriin la xiriita madaxweynaha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa eedeyn badan kadib Farmaajo kula taliyey inuu isaga tago dalkaan iyo dadkaan uu godobta ka galay, oo mar dambe uusan isku soo sharaxin xilka.

Suldaan Beyle ayaa sidoo kale fariin u diray beelaha Mogadishu Clan, isagoo ka dalbaday inay la yimaadaan nin fiican oo madaxweyne Soomaaliyeed u qalma, waxuuna balan qaaday in beelaha Daarood ay Mogadishu Clan u gudi doonaan abaalkii ay u galeen markii ay la soo dhaweeyeen Farmaajo.

Suldaanka ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyey in afartii sano ee xukunka uu joogay uu dhammaan umadda Soomaaliyeed la galay dagaal aan dhamaad laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Si gaar ah Suldaan Beyle waxa uu soo tiriyey magacyada 8-sarkaal oo Farmaajo ay isku heyb yihiin, kuwaas oo uu sheegay in shir qool si yaabo kala duwan loogu dhigay, kadib mudo ay la shaqeeyeen nidaamka Farmaajo.

“Farmaajow wax badan ayaan kula hadlay, waan kula tali jiray waana kula shaqeyn jiray, laakiin meel aan wax lagaala qaban karin ayey maanta mareysaa, umadda Soomaaliyeed waxaad la gashay dagaal aan dhamaad laheyn, ni dagaal ooge ahna cidna madax kama dhigan karto, waxaad kala dishay beeshii aad ka dhalatay ee Mareexaan, waxaad si gaar ah ugu hiilisaa Jufadaada, intii kalena dagaal ayaad ku heysaa, 8-Korneyl oo mid mid aan kuugu soo tirinayo ayaa amarkaaga lagu dilay,” ayuu Suldaanka Mareexaan Suldaan Bayle Cumar.

Sidoo kale Suldaankaan waxa uu kul cel-celiyey in Farmaajo uusan madaxweynaha Soomaaliya noqon karin, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga wareejin lahaa.

“Farmaajow weli kaas abri maayee waxaan ku leeyahay inta aysan lacagtu kaa dhamaan, oo doorasho aadan isku soo taagin lacagtaada badbaadso, cid ku dooraneysa malahan, fadlan lacagtaada qaado isaga bax Soomaliya, umadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaan waxaa u baahanahay madaxweyne runlow ah, Farmaajo mid maaha Jufadiisa ayaa ka cabaadeysa,” ayuu yiri Suldaan Beyle.

Suldaanka oo si gaar ah fariin ugu diray beesha Mogadishu Clan ayaa yiri, “Beesha Mogadishu Clan oo hormuudka Soomaaliya ah oo Muqdisho noo fadhisa waxaan idin leenahay Farmaajo teg, ee adinka waxaan idinka rabnaa inaad keentaan nin u qalma madaxweyne, oo abaalkii aad shalay noo gasheen markii aad nala soo dhaweyseen Farmaajo aan idiin gudno, oo aan idinla soo dhaweyno oo aan la shaqeyno.”

Hoos ka Daawo

The post Suldaanka Mareexaan oo Mogadishu Clan u diray farriin la xiriita madaxweynaha cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this