Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: Ciidankeenu wakhtiga dhow ka biximayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya gen. Robert Kibochi, ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow.

Taliyaha oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka laga leeyahay waddanka Kenya ee KBC, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xasilooni-darro ka jirto, sidaas darteedna ciidamada Kenya aysan ka bixin doonin.

Gen. Robert Kibochi ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ay sii caawin doonaan kuwa Soomaaliya, inta  laga xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Taliye Kibochi ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya aysan weli hanan karin amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan ka maarmi karin taageerada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Kenya: Ciidankeenu wakhtiga dhow ka biximayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this