Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur Goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shir waynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasada Arrimaha dhulka iyo haweenka.

Shirka waxaa looga wada hadlay siyaasadda dhulka ee dowladaha Afrika gaar ahaan, kuwa ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, waxaa aad lagu bogaadiyay dejinta siyaasad ay u dhan yihiin dowladdaha qaybta ka ah ururka IGAD isla markaana waxaa la isla gartay in aad loo ilaaliyo doorka haweenka ee maamulka iyo la haanshaha dhulka.

Waxaa shirka lagu soo bandhigay xeerarka iyo siyaasadaha u qoran Afrika ee ku saabsan hababka loogu faa’ideesan karo dhulka iyo ilaalinta sinaanta la haanshaha dhulka ee dumarka.

Waxaa laga soo saaray is-afgarad u dhaxeeya dawladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, iyadoo ay wada saxiixeen dhamaan Wasiirada kasoo qayb galay shirka.

PUNTLAND POST

The post Urur Goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this