Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo gargaar horleh ugu deeqday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay  gargaar bani’aadannimo oo cusub oo ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah dalalka deriska.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in dowladda Mareykanka ay ku bixinayso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar Gargaarka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta COVID-19 iyo ayax dhawaan ku habsaday dalka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lacagtaan lagu caawin doono dad gaaraya lix milyan oo Soomaali ah oo hadda u baahan gar-gaar bani’aadannimo.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo gargaar horleh ugu deeqday Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this