Sign in to follow this  
Deeq A.

Amar uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo la jabiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa sheegay in maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo u socday magaalada Garbahaarey.

Macalimow waxaa uu tilmaamay in amarka lagu celiyay uu bixiyay Cabdullaahi Aadan Kullane oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna intaas ku daray in ay tahay markii afraad oo laga celiyo garoonka Muqdisho.

Muqaal: Hadalka Macalimow

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble uu maalin ka hor sheegay in uusan mar dambe aqbali doonin in muwaadiniin socdaalkooda loo xannibo arrimaha siyaasadeed.

Muuqaal: Hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adda socdaalka in ay si toos ugu soo wargeliyaan cidii la timaada arrimahaas, si uu tallaabo uga qaado. Sidoo kale wuxuu sheegay in aan meelna laga celin karin diyaaradaha duulimaadyada ee isaga goosha dalka.

Wuxuu tilmaamay musharax walba in uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa muwaadin iyo aragtidiisa siyaasadeed, sidaas darteed meesha uu raba u safri karo oo aan cidi hor istaagi karin.

PUNTLAND POST

The post Amar uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo la jabiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this