Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1626458409855.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Mas’uulyiinta xilka laga qaaday ayaa maanta Guddoomihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) iyo dad kale u diiday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku xusay in muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jiraan kuwii maanta la xannibay xor u yihiin in ay u safraan meel kasta.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimow oo goordhaweyd shir jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u akhriyay wareegtada Rooble ee xilka qaadista.

Muuqaalka shirka jaraa’id

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay u sheegay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii muwaadiniin Soomaaliyeed socdaalkooda u xannibta arrimaha siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this