Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo Ceyriyey Ninka 2-aad ee ugu Awoodda Badan NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw xilka ka qaaday xubna sar sare oo ka tirsan taliska Nabad sugidda ee NISA.

Rooble ayaa xilka ka qaaday  Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaas oo lagu eedeyay in ay muwaadiniin soomaaliyeed oo ka safrayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho in ay ka joojiyeen socdaalkoodi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Rooble ayaana labada mas’uul xilka looga qaaday.

Cabdullaahi Kulane ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu sameynta badan NISA, waxaana sido kale garab dhaw uu la ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo la sheegay in hadda uu kala shaqeynayay qoridda xildhibaanada ka soo galaya gobalka Gedo.

Waxaa safar Garbahaarey ah laga celiyay guddoomiyihii hore magaaladaas, xilli maanta uu ka safrayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Goobjoog News.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this