Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

The post Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this