Sign in to follow this  
Dhagax-Tuur

Somalia's child solders - very recent report

Recommended Posts

Originally posted by Cawaale:

^Look at you!. Energy-gaga wuxuu ku dhamaaday Habaar, Aflagaaddo iyo Dood ma-dhaleys ah. Shaqo wacan sxb. kolley waxaan aaminsanahay in wax kastaa sabab uu ka dambeeyo, adna cartan-kaagan ujeeddo aa ka dambeyso. meesheeda ka wad.

Nin Gaabyaa ah baa yiri "muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaaye" marka ninkaasi runtii boqolkiiba 90 runta buu asiibay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ali Sheikh Yassin, vice-chairman of Elman Peace and Human Rights Center in Mogadishu, said that about 20 percent of government troops (thought to number 5,000 to 10,000) were children and that about
80 percent
of the rebels were. The leading insurgent group, which has drawn increasingly close to Al Qaeda, is called the Shabab, which means youth in Arabic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Maaddeey:

^There's a reason aanan Adiga & kan kaa korreeyaba ula hadleynine ha is daalin!.

 

NGONGE, wax perfect ah sidaad u rabtoo kale baan u rabaa, lakin lama helaayo e Adiga you have chosen inaad iska diiddo and I have chosen inaan iska xum-xumeeysto, ashraarta afkooda xun ku soo taagayana ka difaaco

 

أقلّوا على الشباب لا أبا لأبيكم _**_ من اللوم أو سدوا المكان الذي سدوا

Fair enough. Can't really argue with such a position.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Maaddeey:

Sharaamiid & Shuyuukhda hala sentence ha soo wada gelinin waryaa!.

I agree with Maaddeey.

 

Please use shaandho for sentence construction, folks. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

caruur21-300x225.jpg

Muqdisho (Alshahid)- Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Caruurtii uu dhawaan soo xigtay Sawiradooda Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka, kuwaasoo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

caruur4-300x225.jpg

 

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, islamarkaana lagu soo bandhigaayay Caruurtii uu soo xigtay Sawiradooda Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed C/kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan) oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi-jaraa’id ayaa sheegay in maalmahan ay jireen Warar kutiri ku teen ah oo laga fidinayay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi beenoowday sida muuqata, maadaama aad indhihiina ku arkaysaan Caruurtii la soo xigtay Sawiradoda, wuxuuna sheegay in dadkii ka danbeeyay arrintaas fadeexada ah ay ahaayeen kuwo u adeega Kooxaha Nabad Diidka ah ciday doonaan ha ahaadeen Ajaaniib iyo Soomaali intaba.

 

Caruur1-300x225.jpg

 

Taliye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in ay ku raad joogaan ayna gacanta ku soo dhigi doonaan kuwii ka danbeeyay falalkaas, wuxuuna amaan u soo jeediyay Ciidamada kala duwan ee Dowladda sida wanaagsan ee ay ugu guulaysteen in ay ku helaan Caruurtii la soo xigtay, wuxuuna sheegay in laga abaalarin doono kuwa ku xadgudbay Sharafta Ciidanka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

 

Caruurta oo qaarkood ay Saxaafaddu ku wareysatay intii uu socday Shirkaasi-jaraa’id ayaa qiray in ay ahaayeen kuwii uu Wariyuhu ka duubay Filimka, waxayna sheegeen in ay u yimaadeen Niman uu ku jiro Sawir qaadaha, kaasoo ay ku sheegeen in uu ahaa Qof aan ahayn Soomaali oo ka yimid meelo kale, islamarkaana ay Suurad ahaan ku sheegeen in uu ahaa Nin Cad, kaasoo uu turjubaan u ahaa Qof Soomaali ah, waxayna sheegeen in la siiyay Lacago ay tiradoodu gaarayso 10 dollar ilaa 50 doolarka Mareykanka ah, intaa kadibna loo dhiibay Qoryaha fudud si ay u matalaan in ay yihiin Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ahaa Caruurtaas ayaa warbaahinta u sheegay in Nimankaasi ay u dhiibeen Qoryaha Noocyadoodu kala yihiin AK47 oo ay Soomaalidu u taqaano Aake iyo Qoriga Daba miishaarka loo yaqaano, wuxuuna sheegay in ay ahaayeen Nimankaasi kuwo doonayay in ay Sawiro ka qaataan oo kaliya, taa badalkeedana ay sidaa u sameeyeen si ay lacag u helaan, maadaama ay haysatay duruuf dhaqaale xumo.

 

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Cabdisalaam Daahir Cabdule oo isna Shirkaasi-jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in markii ay soo gaartay arrinta ay markiiba la xariireen Maamulka Degmada uu ka dhacay falkaasi, maadaama ay ka ******** Filimkii uu ka duubay Sawir-Qaadihii Sawirka ka qaaday Caruurtaas oo ay ka muuqdeen Goobta ama Buqcada ay ku sugnaayeen Caruurtaas, wuxuuna sheegay in Nasiib wanaag la soo helay Caruurtii loo adeegsaday in ay matalaan Dhacdadaas fooshaa xun.

 

Guddoomiye ku xigeenka ayaa digniin u diray Saxaafadda arrimhaas ku mashquulsan, wuxuuna sheegay in ay tahay arrin ka baxsan xadka Warbaahinta oo mabnuuc ka ah, wuxuuna sheegay in ay cadeynta arrintaas ku filan tahay Caruurta la soo bandhigay oo ahaa kuwii uu soo bandhigay Wargeyska New York Times islamarkaana ay ka sii qaateen Warbaahinta Aduunka intiisa kale, isagoo sheegay in wixii hada ka danbeeya ay Caruurta noocaan ah u sameyn doonaan qaabab lagula socdo wax laga sameysanayo, ayna sidoo kale la socon doonaan dhaqdhaqaaqyada dadka soo galaya dalka iyo waxyaabaha ay u socdaan intaba.

 

Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho

Xogta: ALSHAHID

 

caruur31.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^Illaa hadda aaba laga yaaba in wali barobagaanda loo adeegsanaayo. nin kastaa asigaa nabi ah. how can you tell in Dowladda laf ahanted arunta shegeyso?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this