Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Ku Saabsan Amniga Qaaradda Africa Oo Nairobi Ka Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Diblomaasiyiin ka socda saddexda wakiil ee Afrika iyo kuwa Caribbean-ka ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku shiraya Nairobi, si ay uga shaqeeyaan ajande mideysan, xilli qaaradda Afrika ay waajahayso saddex dhibaato oo aad u muhiim ah.

Diblumaasiyiinta ka socda Kenya, Tunisia, Niger iyo Saint Vincent iyo Grenadines, oo inta badan looga yaqaan gudaha UN-ka A3 Plus 1 ayaa ka shiraya ajande guud oo ku saabsan nabadda iyo amniga.

Arrimaha sida gaarka ah looga hadlayo ayaa ka mid ah xaalada Itoobiya, arrinta wabiga Nile ee muranka u dhaxeeya dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Xoghayaha Guud ee Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xubnaha ay istiraatiijiyad u dejineyso “fulinta waajibaadkeeda nabadeed iyo mid amni labadaba Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC).”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this