Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Allah Ha U Naxariisto Abwaan Cabdi Muxumed Aamiin

Recommended Posts

u_2d_2008-11-3-16-55-29f_KOAOAOAOOAOA.JP

 

Abwaanka ka caanka ah dhulku soomaalidu degto Marxuum Cabdi Muxumed Aamiin ayaa maanta lagu aasay Magaalada Nairobi, kadib markii uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee waddanka Kenya Xalay, halkaasi oo uu ku xanuunsanayay Abwaanku.

 

Allaha u Naxariistee Cabdi Muxumed Aamiin, wuxuu ku dhashay Gobolka Gabiley Somaliland sanadkii 1935-tii, wuxuu ku hanaqaaday, kuna guursaday, sida uu sheegay, magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi_Muxmued_Amin.jpg

Dr._Mohamed_Rashid_Sheikh_Hassan_iyo_Cab

 

 

Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ka mid ahaa Fannaaniintii iyo Abwaaniintii laf-dhabarka u ahaa Kooxdii Waaberi, waxaana uu sameeyay Ruwaayado iyo heeso badan oo caan baxay, kuwaasi oo aan ka xusi karno Riwaayaddii lagu dhaliilayay Dowladdii Mileteriga ahayd ee Siyaad Bare taasi oo ahayd Land Crouser, inkastoo horay uu u ammaanay dowladdaas isagoo u sameeyay heesta ceynaanka haay.

 

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo aaska Marxuumka ka qeybgalay ayaa Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da waxaa uu uga waramay taariikhdii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, wuxuuna sheegay in marxuumka uu ahaa Fannaan Wadani ah oo mar walba ka hadla dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa ay qabaan, wuxuuna xusay in isagoo ah Maareeyaha Tiyaatarkii Qaranka ah uu u keenay Heestii LandCrouser, taasi oo uu xusay in ay ka hadleysay sida uu xiligaas dalka ugu soo batay Gaariga LandCrouser-ka oo qaali ahaa iyo sida ay dadka u baahan yihiin ee ay ugu tiirsan yihiin Raashin Galley ah oo Mucaawino ahaan loo keeno.

 

Cabdi Xaashi C/llaahi waxaa uu sheegay in markii uu Heestaas ka qabtay uu ku yiri u dhiib Saado Cali Warsame bacdamaa sida uu u yidhi ay Saado jilista ku wanaagsan tahay, "Saado waa ay diiday in ay heestaas ku luuqeyso, kadibna Abwaanka waxaa uu u dhiibay Nimco Yaasiin, mar uu ii yimid oo uu ii sheegay in ay Saado diiday oo uu Nimco u dhiibay ayaan ku iri Saado iigu yeer, kadibna waxaan ku iri Saado heestan ku luuqee, weyna iga ogolaatay, inkastoo ay markii hore ka baqday"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi.

 

Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ifka kaga tegay 3 Wiil iyo 5 Gabdhood, waxayna dadka Soomaaliyeed ku xusuusan doonaan dhaxalkii uu uga tegay ee Faneed, kaasi oo uu ku soo koobay buug uu qoray oo la yidha DIIWAANKA HILIN HAYAAN.

 

Allaha u naxariistee Abwaankii caan baxay ee Cabdi Muxumud Amiin ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaaladda Nairobi oo uu maalmo ku xanuunsanayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

He was an icon, (AUN),

 

he even took part the famous "war ninkoow ninkoow ninkoow" in Land Cruicer lago Riwaayad, he was singin along with Saado, isagaana allifeyba riwaayadaas.

 

Not to mention his endless nabi amaan songs and Ramadaan songs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa uu laakiin hore ugu soo caan baxay heesihii kacaanka ,,,,,

 

Wadadii caddaayd

Cagta saarnayee

Cimrigii jiryoow

Caynaanka hay

hay hay, weligaa hay

 

 

In kasta oo uu heestaa bedelay beri dambe ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Don't forget the famous songs uu allifay uuna ku codeeyey:

 

Dalkeygoow by Faadumo Qaasim

Dalkeyga waanjeclahay by Saado Ali

Bukaan wada qoslaayiyo by Saado Ali

Kuwii calanka dhaliyey by Saado Ali

War Ninkow by Saado Ali and himself

Yaasiinka Yaasiinka by himeself.

 

Waxaa la sheegay there were more than 150 songs uu allifay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay ha u naxaristo abwaanka wayn.

 

I loved this song of his:

 

Maxaan hog abeeso galay; maxaan halaqyo ugu tagay

maxay micida ii mireen; maxaan waabay hirqaday

oo maxaan geeridaa ka hadhayee

Hobeeya hobey-hobeeya hobeeya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Ilaahee ha u naxariisto abwaanka..He was one of the few abwaaniin & fanaaniin who didn't leave Mogadishu, true wadani believed in Somalinimo, kuwa fara kutiriska buu ku jiray.

 

He's also a fanaan sings tho he was mainly an abwaan..wuxuu la heesayaa Hiba Nuura heesta 'Waa su'aal da'weynoo..madaxa daalineysa' a talented voice really..& heesta ''Gacan baan ku siiyay'' with Cigaal, Hiba Nuura & Maryan Mursal.

 

Alla yarxama!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

The most famous must be his writing of the famous song "Landcruiser gado so bari(beg)galley" waxa heestan lug dhaliilayey siyad bare, landcruser ayuu asaga iyo asxaabtisa gadanaayen adunkana galey ayey ka baryaayen. Abwan Cabdi wuxu siyaad barre ubaxshay kacaandiid. Suganta uu abwanka bari hore qoray oo hes lagadhigay wax kamid ah

 

"Ma doonayaan

Inaynu dowlad ahaano!!

Ayaan doonaynin?

Kuwii dhiiggeena

Durduuran jiray

Kuwii danahooda

sameysan jiray

Kuwii Soomali

Dulleysan jiray

Aynu dillo aynu dagaalle

Ka digtoonaada dadkaa

Dadka yagow...

 

 

waxkalo kamid aha hesti uu qoray kadib marki ladilay saxibkiis C/raxmaan Caydiid, asaguna dhaawac ah mesha loogtagay inu dhinto(c/llahi yusuf aya lugu tuhsanyahay inu kadambeyey)

 

"Maxaan hog abeeso galay

Maxaan halaqyo ugu tagey

Maxay miciyo I heleen

Maxaan waabay hirqaday

Maxaan geerida ka haray..."

 

Abwan cabdi muxumed wuxu katagay suugan badan uu qoray xornimda kahor ila 2005, waxaadna ka heleysa sugaantas buugisa HILIN HAYAAN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this