Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Jadwalka doorashooyinka/xulashada

Recommended Posts

They sign an agreement. A few months later, dhagta wax loogu soo aqrinaa by shisheeye and they try to force change the said agreement. Meesha ma meel ciyaaleedaa?

Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe

Rooble-iyo-madax-goboleedyada-scaled.jpe

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka maanta Muqdisho ka furmay ku diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo qodob ka mid ah heshiiska doorashada oo la xiriira deegaan doorashada.

Labadan madaxweyne goboleeda ayaa doonayey in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey.

Diidmada Rooble, ayaa waxaa si dadban sidoo kale maanta u xaqiijiyey afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu oo yiri “Ma jirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May.”

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Labada Gole ee Baarlamaanka

Guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay Shaacinta Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS)  2020/2021.

Jadwalka waxaa ku cad in laga billaabo Sabtida berri ah ee 17 ilaa 23 July, 2021 la soo gudbin doono liiska musharrixiinta Aqalka sare,iyadoo liiska kama dambeysta la shaacin doono 24 July. 

Doorashada Aqalka sare, waxaa la qabanayaa  25 ilaa 28 bishan July ,2021 , sida guddiga uu ku sheegay jadwalka. 

“Si waafaqsan mas'uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Doorashada Soomaaliya oo dhowr mar dib u dhacday, ayaa jadwalka iyo dadaallada guddiga wali meesha kama saarin wal walka laga qabo dib u dhac yimaada. 

2021716637620365224820335.jpg2021716637620365488614849.jpg2021716637620365864536636.jpg2021716637620366195499913.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.