Sign in to follow this  
Deeq A.

 10-ka tababare ee Kubadda Cagta ee ugu taajirsan Adduunka & Mid waliba intuu haysto

Recommended Posts

Deeq A.   

 10-ka tababare ee Kubadda Cagta ee ugu taajirsan Adduunka & Mid waliba intuu haysto

Tababareyaasha kooxaha kubadda cagta
Tababareyaasha kooxaha kubadda cagta

Tababarayaasha ciyaaraha kubadda cagta ayaa ah kuwa go’aanka weyn ku leh mustaqbalka kooxaha, ciyaaryahanada ayaa ah kuwa caan ah marka loo barbardhigo tababarayaasha.

Tababarayaasha ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta ciyaartooyda iyo tababarkooda si ay usoo bandhigaan ciyaar wanaagsan.

Waa kuwa mas’uul ka ah inay qiimeyn ku sameeyaan kooxaha uu loolanka kala dhexeeyo si ay u helaan istaraatijiyad u horseeddo guusha.

Si guul loo gaaro, kooxaha waaweyn ee dunida waxay dadaal ugu jiraan sidii ay ku heli lahayeen tababarayaal awood u leh maamulka ciyaarta.

Si kastaba, labaatankii sano ee lasoo dhaafay qaar kamid ah tababarayaasha waxay bilaabaan inay qaataan lacag ka badan midda ay qaataan ciyaartooyda.

Haddaba, waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa 10-ka tababare ee ugu taajirsan dunida.

10. Rafael Benítez – musharkiisa waa 15,423,642 Malyan oo doolar sanadkiiba

Raphael Benitez
Raphael Benitez

Rafael Benítez oo horraan tababare usoo noqday kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa kaalinta 10-aad ka galay liiska tababarayaasha ugu taajirsan dunida.

Haatan wuxuu leyliyaa kooxda Dalian Proffessionals ee ka dhisan Shiinaha.

Mushaarkiisa wuxuu gaaraya 15,423,642 Malyan oo doolar.

Benitez waxaa sanadkii 2016-kii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Everton. wuxuu kooxda ka tagey 2019-kii, wuxuu ku biiray kooxda Shiinaha ka dhisan.

Rafael Benitez ayaa soo caanbaxay sanadkii 2005 markii kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Liverpool ay qaaday koobka horyaalka Yurub.

9. Massimiliano Allegri -Wuxuu qaataa 16,013,767.50 malyan oo doolar sanadkiiba

Allegri

 

Allegri

Allegri wuxuu kamid yahay tababarayaasha ugu taajirsan dunida.

Massimiliano “Max” Allegri wuxuu usoo dheelay Talyaaniga, markii ugu dambeysay kooxda Juventus.

Allegri wuxuu guulo u horseeday kooxdiisa, wuxuu mushaarkiisa gaaraya 16,013,767.50 malyan oo doolar.

Massimiliano Allegri wuxuu kamid yahay 10-ka tababare ee ugu wanaagsan dunida.

8. Fabio Cannavaro, mushaarkiisa wuxuu gaaraya, 16.79 malyan oo doolar sanadkiiba

Canavaro
Canavaro

Fabio Cannavaro wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu taajirsan dunida.

Cannavaro wuxuu u dheeli jiray xulka Talyaaniga, haatana waa tababaraha kooxda Guangzhou Evergrande.

Wuxuu difaac usoo ahaa kooxo badan oo ka dhisan Talyaaniga, waa daafaca kaliya ah ee heysta abaalmarinta Balon d’Or.

7. Ernesto Valverde – mushaarkiisa wuxuu dhan yahay 22,537.9 Malya oo doolar sanadkiiba

Ernesto
Ernesto

Ernesto Valverde waa weeraryahan u dheeli jiray xulka Talyaaniga, haatan waa tababare.

Markii uu ka dheeli jiray horyaalka La Liga ee Spain, wuxuu dhaliyay 68 gool markii uu kasoo muuqday 264 ciyaarood.

Markii uu howlgab noqday wuxuu noqday tababare, wuxuu macalin usoo noqday kooxaha Olympiacos 2008-09 iyo Barcelona.

Valverde ayaa sanadkan laga ceyriyays shaqada tababaranimada ee kooxda Barcelona kadib markii kooxda Bayern Munich ay 8-2 ku dhufatay Barcelona.

6. Zinedine Zidane -wuxuu qaataa 27,287,982 malyan oo doolar sanadkiiba

Zidane
 Zidane

Zidane wuxuu kamid yahay tobanka tababare ee ugu taajirsan dunida, wuxuu ahaan jiray ciyaartooy dunida caan ka ah oo u dheeli jiray xulka qaranka Faransiiska.

Wuxuu ahaa tababaraha kooxda Realmarid ee ka dhisan Spain tan iyo markii uu iska casilay dhawaan, wuxuu qaadanayay mushaar dhan 27,287,982 malyan oo doolar.

Ciyaartooyda khadka dhexe ka dheeli jiray wuxuu kamid yahay ciyaartooyda fara ku tiriska ah ee ku guuleystay koobka horyaalka Yurub isaga oo tababare ah ama ciyaartooy ah.

5. José Mourinho – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar sanadkiiba

Jose Mourinho

Jose Mourinho wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu wanaagsan uguna taajirsan dunida.

José Mário dos Santos Mourinho Félix wuxuu u dhashay dalka Bortuqiiska waana tababarihii hore ee kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Tottenham Hotspurs.

Waxaa shaqada tababarimo ee kooxda Manchester United laga ceeyriyay sanadkii 2018-kii.

Wuxuu dhowr jeer ku gacan seyray codsiyo uga yimid dhowr kooxood ah in uu tababaro ka noqdo kooxaas.

Jose Mourinho wuxuu ku guuleystay koobab badan intii uu macalinka ahaa, wuxuu qaataa mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar.

4. Jürgen Klopp – Wuxuu qaataa 28,474,416 malyan oo doolar sanadkiiba

Jurgen Klopp
Jurgen Klopp

Jürgen Norbert Klopp wuxuu u dhashay Jarmalka, waana tababaraha kooxda Liverpool.

Waxaana lagu tiriyaa tababaraha ugu wanaagsan.

Wuxuu kooxda Liverpool u horseeday inay ku guuleystaan koobka horyaalka Ingiriiska iyo horyaalka Yurub.

3. Pep Guardiola -Mushaarkiisa waa 32,027,535 malyan oo doolar sanadkiiba

Pep Guardiola
Pep Guardiola

Pep Guardiola waa tababaraha ugu taajirsan Ingiriiska, wuxuu u dhashay Spain, waana tababaraha kooxda Manchester City.

Waxaana lagu tiriyaa tababaraha soo hoyiyay guusha ugu badan caalamka.

Markii uu ciyaartooyda ahaa, wuxuu wakhti badan kusoo qaatay kooxda Barcelona, wuxuu guulo badan u horseeday kooxo badan uu macalin usoo noqday.

Markii uu meel sare gaarsiiyay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, Pep Guardiola wuxuu sanadkii 2016-kii ku biiray Man United.

Waxaa uu suurogashay in uu soo dhiso xulka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska inta la ogyahay taariikhda.

Wuxuu sanadkiiba mushaar ahaan u qaataa 32,027, 535 malyan oo doolar.

2. Antonio Conte – Wuxuu qaataa 35,593,020 malyan oo doolar sanadkiiba

Antonio Conte
Antonio Conte

Wuxuu tababare u dhashay Talyaaniga ahna ciyaartooy hore.

Waa tababaraha kooxda InterMilan.

Conte wuxuu xirfaddiisa kubadda cagta kasoo bilaabay Lecce, markii dambe wuxuu noqday ciyaartooyda ugu saameynta badan kooxda Juventus.

Wuxuu kooxda InterMilan u horseeday inay gaarto ciyaaraha kama dambeysta ee koobka horyaalka Yurub.

1. Diego Simeone – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 48,50,577 malyan oo doolar sanadkiiba

Diego Simione
Diego Simione

Diego Simeone waa tababaraha ugu taajirsan dunida.

Wuxuu sanadkiiba qaataa mushaar dhan 48,50,577 malyan oo doolar, wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu mushaarka fiican sanadkan 2021-ka.

Tababarahan u dhashay Argetine wuxuu kooxdiisa Atletico Madrid gaarsiiyay inay qaadaan koobabka horyaallada La Liga, Copa del Rey iyo horyaalka Yurub.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this