Sign in to follow this  
Deeq A.

Oday Cawil Cali Ducaale Wuu Moogan Yahay Inay Somaliland Ka Dabargoday Caadadiisi Xasadka Iyo Xiqdiga Ahayd.

Recommended Posts

Deeq A.   
Oday Cawil Cali Ducaale Wuu Moogan Yahay Inay Somaliland Ka Dabargoday Caadadiisi Xasadka Iyo Xiqdiga Ahayd.
muniir.jpeg
Cawil Cali Ducaale oo maanta war-baahinta la hadlay ayaan dib u xasuustay soyaalkiisi tarikheed ee fajida iyo xasadka ku dhisna. Markii ugu horraysay ee aan anigu la kawsaday Cawil Ducaale waxay ahayd horaanti sannadkii 2003-, markaas oo Dalka ay ka taagnayd ololihi doorashadii Madaxweyne ee ay ku tartamayeen Ex Madaxweyne Siilaanyo iyo Ex Madaxweyne Daahir Rayaale.
Maalin kasta wakhtigaas wuxuu qaban jiray shirjaraa’id, waxaanu xooga saari jiray xagga qabyaalada iyo cunfiga. “Siilaanyo waa Ninkii Cabdiraxmaan Tuur riday, Dalka haduu qabsado dagaalba ka dhacaaya, iyo kalmado aanu Ruux cimrigaas jira ummadda inuu dhexdhigo ay mustaxiil tahay ayuu ku ololayn jiray”.
May ka ahayn qabiili qabyaalad ahaan sida u samaynaaya amma Danta rerkiisa u arka inay ugu badinayso, muu ahayn mid hiil uu Cabdiradmaan Tuur Alle hawnaxariiste ugu hiilinayo sidaa u samaynaaya. Markaan raad raac ku sameeyay tariikhda Cawil Ducaale waxay ka ahayd oo kaliya dabeecadiisa xumaatay oo noqotay xanuun nafsi ah isagoo xumaanta xasadka iyo khiyaanada ku dareemaya caafimaad nafsaani ah oo shaydaan u qurxiyay.
Wasiirka Maaliyada ayuu noqday doorashadii kadib cid uu ku matalaayay oo degaankiisa ah ma jirin, isaga iyo kuugiisa cuntada u kariya iyo Eyga guriga u jooga ayuu weheshan jiray wakhtiga aanu shaqada joogin, wuxuuse markaasna sii waday naxligii ummadda, xasadkii iyo fajidii lagu kala irdhaynaayay shacabka Somaliland. ” Beesha East Burco Clan kursiba ka cararay oo ay naarta u galayaan raadintiisa, Beesha Gabiley Clan belaayo uunba ka maqan oo Dalka wixii soo gala dhaqaale iyaga qaata, Axmed Siilaanyo wuxuu ka danbeeyay Dilkii shirqool ee lagu khaarajiyay Muj Aadan Shiine iyo Muj Cabdiqaadir Koosaar”. Weedhahaas ayaa kamid aha kuwii laga guntay ee taariikhda u galay.
Waxa la yaab leh, Cawil Ducaalihii sida aha markii Axmed Siilaanyo ka guulaystay Daahir Rayaale qofkii ugu horreeyay ee hoos fadhiista Siilaanyo wuxuu aha Cawil Cali Ducaale . Cajiib: Muxuu sidaa u samaynaayay ayaad is waydiin karta haddiiba uu ku farxay guusha Ninkii ay maryaha dhiiga leh kala furteen oo waliba uu gacan yarihiisa noqday markii Xisbigiisi UDUB laga guulaystay intaanu Siilaanyo xilkaba la wareegin, jawaabtu waxay tahay waxaas uu shubaayay kaliya waxay ka ahayd “Khiyaano” Daahir Rayaale wuu khiyaamaynaayay, degaanka uu ka soo jeedo Cawil Ducaale wuu khiyaamaynaayay, ummadda Somaliland wuu khiyaamaynayay, ilaa Naftiisa ayuu khiyaamaynaayay.
cawil.jpg
Maanta Oday Cawil Cali Ducaale isagoo maaski wajiga xidhan ayuu markale hoos fadhiya Madaxweyne Muuse Biixi, mashruuca uu wadaana waa isla kii shalay ee khiyaanada iyo xasadka shaydaan faray ah, isagoo kula colaytamaaya cida xagga kale ka soo jeeda ee aan tallada xukunka Dalka haynin. Kama aha inuu Cabdiraxmaan Cirro Madaxweyne u diidan yahay, amma Faysal Cali Caraabe u diidan yahay, amma Muuse Biixi ugu hiilinaayo. Waxay ka tahay kaliya caado xanuun nafsiya noqotay oo xasad, xiqdi ummadda lagu kala dilaayo iyo xumaan ah. Waa caado 70-sanno in kabadan uu ku soo dhaqmaayay ilaa Dawladdi kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre oo balwad ku noqotay. Waxaase Alle mahadii ah inay maanta Somaliland ka dhammaatay cahdigii xasadka iyo fajida ay uga faa’iidaysan jireen Dadka Shayaadiinul Jiniga ahi.
Tusan
Muniir A Cigaal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this