Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciyey Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble uu caawa soo saaray liiska dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka ayaa waxaa soo baxaysa fal-celinta siyaasiyiinta ee ku aadan tallaabadaas, waxayna inta ka soo hadashay muujinayaan inay ku qanceen kala shaandheynta xubnihii cabashada kala soo gudbiyey ee guddiyada.

Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiir Axmed Macalin Fiqi, Musharax Madaxweyne Maxamed Siiriin iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka soo hadlay tallaabadii uu R/Wasaare Rooble ku shaaciyey liiska guddiyada doorashada ayaa muujiyey inay ku qanacsan yihiin dhammaan xubnaha la shaaciyey magacyadooda ee ku jira heerarka kala duwan ee guddiyada.

Ugu horeyn Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble sixidda iyo dhamaystirka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo team-kiisa si loo dedejiyo qabsoomida doorasho hufan oo loo dhanyahay.”

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna yiri, “Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu caawa soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysul wasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii.”

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble, ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda.”

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey. Waxaa hubaal ah in dalku dhibaato badan ay ka soo gaartay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagna qabsoomidda doorashooyinka Qaran, kuwaas oo keenay fadhiidnimo dhaqaale iyo dib u dhan siyaasadeed.”

Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in la soo dhaweeyo dadaalada ay wadaan Xukuumadda iyo Madaxda dowlad goboleedyadya isla markaana horey loo socdo, si dalku u galo doorasho xor iyo xalaal ah una horseedda Dalka deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid Amni.”

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Siiriin ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa dhameystirka raisalwasaare Rooble uu soo dhameystiray guddiyadda doorashooyinka qaranka. waa talaab muhiim u ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay. waxaan ugu baaqayaa guddiyadda doorashooyinka in ay shaqadooda u bilaabaan sida ugu dhaqsida badan.”

Xubno uu ugu horeeyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii muujiyey in guddiyadaan ay ku jiraan xubno uu sharcigu u diidayo, isla markaana aysan ku qancin kala shaandheyntii uu sameeyey guddiga heer wasiir ee Rooble uu u xil-saaray arrintaan, kuwaas oo ku dhawaad 40 xubnood ka saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa shaaciyey liiska guddiyada doorashooyinka oo gaaraya shan qeybood, kuwaas oo kala ah:

1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,

2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed,  

3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland,

4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga,

5- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada.

Linkigaan ka akhriso liiska guddiyada

The post Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciyey Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this