Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo loo diiday DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya, odayaal dhaqan iyo siyaasiin, waxaa dowladda Soomaaliya loo diiday in ay qaaddo dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xubno kamid ah ehellada Korneelka ay shalay taliyaha xoogga dalka ka diideen in diyaarad gaar ah oo Helicopter ah, isla markaana ay dirtay dowladda Soomaaliya lagu soo qaado kadibna la dhigo Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho. 

Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn shalay subax la soo qaaday balse la dhigay gurigiisa, waxaana la jooga dhaqaatiir gaar ah oo u badan xigtadiisa, iyadoo sidoo kale ay wararku sheegayaan in uu dhaawaciisa fududyahay. 

Qoyska Korneel Saneey Cabdulle ayaa qaba shaki weyn oo dhinaca dowladda ah, iyagoo aaminsan in la sumeyn karo ama loo adeegsan karo daawooyin qaldan maadaama uu yahay mucaarad aad u hubeysan. 

“Dowlad uma baahno Korneelka ehelkiisa ayaa ku filan oo daaween kara, dhawaanna waa la qaadi doonaa inta ka horreysana gurigiisa ayaa lagu dabiibayaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Korneel Saneey Cabdulle oo la hadlay Caasimada Online. 

Saneey Cabdulle ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga leh lasoo galay magaalada Muqdisho bishii April, kuwaas oo soo afjaray damacii Farmaajo uu ku sameystay muddo kororsiga sharci-darrada ah, waxaana la sheegay in muddo dheer ay doon dooneysay dowladda Soomaaliya.

The post Xog: Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo loo diiday DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this