Sign in to follow this  
Somalina

Gefkii Godane iyo Jawaabtii Culimada Soomaaliyeed

Recommended Posts

Somalina   

jawaabta_culumada_logo.jpg

 

Friday, 17 September 2010 09:43

 

Barnaamijka kulaka Jimcaha waxaa todobaadkaan looga hadlay meel ka dhac uu culimada Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada u geystay mar uu saxaafadda war u qeybiyay maalmo ka hor.

 

Waxaa barnaamijka ka qeyb galaya Culimo magac ku leh dalka Soomaaliya, Odayaal dhaqameedyo iyo marti kale, waxaana barnaamijka ku soo qaadan doonaa warbixino dhaxal gal ah.

 

Culimada ka qeyb galaya barnaamijka waxaa ka mid ah Sh. Cumar Faaruuq Cabdi Sutaal, Sh Bashiir Axmed Salaad, Sh Axmed Cabdi Dhicisoow iyo Sh Ismaan Macallin.

 

Sidoo kale waxaa marti ku ah barnaamijka Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ******, Nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo ka jawaabaya hadal ka soo yeeray Godane oo sheegay in ay gaalada ka ammar qaataan.

Qeybta Labaad ee barnaamijkaan la soco berri hadduu Alle Idmo.

DhEGEYSO

 

 

Ninkaan ma fiyow yahay? :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Culimada Soomaaliyeed oo wax diinta ka fog ku tilmaamay Hadalkii uu Axmed Godane ku aflagaadeeyay Umadda Soomaaliyeed

 

Monday, 13 September 2010 05:22

 

01%20cumar%20faaruuq.jpg

Culumada Soomaaliyeed ayaa wax diinta ka fog ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Godane ee ahaa iyo culimada Soomaaliyed iyo dadka aan diinta heysan ay isku mid yihiin.

Dhegeyso

 

Sheikh Cumar Faaruuq Cabdi Suldaan oo xalay wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in hadalka horjoogahaasi uu yahay wax lala yaabo isagoo soo daliishaday aayado quraan oo sheegaya in aysan sinneyn Qof Alle rumeeyay iyo mid aan diinba heysan.

 

Sheekha ayaa xalka Soomaaliya ku sheegay mid ku imaan kara wada hadal iyo wax wadaag balse uusan ahayn mid in diinta dadka laga saaro ku imaan karya, wuxuuna sheekhu intaa raaciyay in in nabadda la qaato ay ka mid tahay Diinta Islaamka oo nabad ku saleysan.

 

Sheikh Cumar Faaruuq oo aan weydinay eed ah in Culimadu ay taageeraan Madaxda dalka oo uu ku eedeyay Godane ayuu sheegay in diinta Islaamku ay qabto in la adeeco madaxda haddii ay qaldan tahayna la toosiyo, wuxuuna ku baaqay in diinta Islaamka loo qaato sida ay tahay ee laga daayo waxyaabaha lagu barxayo ee rabitaanka shaqsiga ku saleysan.

 

Horjoogaha Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa Warbaahinta ka faafiyay War uu ku aflagaadeeyay Qeybaha kala duwan ee bulshada isagoo waliba si gaar ah u caayay Culimada Soomaaliyeed, Imaamyada Masaajidda iyo dhallinyarada Umadda Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuwa aan tarbiyo helin oo Jaahiliin ah.

 

Gaal ayaa qof muslim ah gaal ugu wacaayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nacnaciina,

 

Godane aa wax ka sheegee afguduudna waa taageeree see wax u jiraan.

 

 

P.S ani Al-shabaa maba taageero ka waran hee saa u la soco, laakiin Afguduud shalyto wuxuu dhahaayay Jihaad aan ku jirnaa maantana U-turn 90 degree uu sameeyay adna waa u sacabtumee ka waran.

 

Ninkaan waxaa waaye ninkii wiil yaroo stuff-kiisa ahaa xataa ka dhuuntay markii mareekanku uu dukheenaayay.

 

Iskaga har aan ku dhahay AFGUDUUD waa jaajuus xataa markuu Maxkamadaha uu madax u ahaa mareekanka ayuu hoos kala xiriiray.

 

Waa iga talo gabareey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sida magacaaga ayaa maskaxdaada DHAGAX u tahay!

 

Marka Dhagaxoow ku dhuus meel aan lagaa arkayn.

 

Sharif waa nin wadankiisa wax u qabtey oo taariikhda Soomaliya ku jira. Qudhac hoostiisa waa ninkii u seexdey wadankiisa, adiga oo kalena ma fahmeysid alaabtaas, marka isma daalinaayo inaan taas kaa dhaadhaacsiiyo ma garatey!

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol @ wax u qabtay. Bal ma gacaaw wuxuu qabtay bal ?

 

Qudhac hoostiis wuu seexday si uu u mareekanka ugu jaajuus taas waa runtaa laakiin wadani aa? xaasha ka dheh arintaas.

 

P.S Miskaxda dhagax maka ihi meel aan la iga arkeena waan ku dhuus maxaa yeelay waan xishood badanahay dadka dhexdiisa kuma dhuus.

 

Daaq ka dheh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this