Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Culimo ka hortimid xeer horyaalla Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
20210617_011850.jpg?resize=720%2C394&ssl

Qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa ka horyimid xeerka gudniinka gabdhaha oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, hadana horyaalla baarlamaanka.

Culimada ayaa sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland iyo sharciga Islaamka.

Shir jaraa’id oo culimadu uga hadlayso xeerka

Wadaada ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meelmarin hindise sharciyeedkan oo ay ku tilmaameen mashruuc dana gaara laga leeyahay.

Xeerka muranka dhaliyay oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa mamnuucaya gudniinka gabdhaha nooc walba oo yahay.

PUNTLAND POST


The post Puntland: Culimo ka hortimid xeer horyaalla Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this