Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma dowlad goboleedka aan weli gudbin xubnaha guddiga doorashooyinka?

Recommended Posts

Deeq A.   
20210616_204143.jpg?resize=720%2C483&ssl

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shaaciyay dowlad goboleedka kaliya ee weli u soo gudbin liiska wax ka baddelka guddiga doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug tahay dowlad goboleedka kaliya ee weli Ra’iisul Wasaare Rooble u soo gudbin xubnaha guddiga doorashooyinka.

“Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka guddiyada doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa dowlad goboleedka Galmudug oo ah dowlad goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsanayo Madaxweyne Qoorqoor in uu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah.

“Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah” ayuu yiri Macallimuu.

Dhanka kale wararka laga helayo Dhuusamareeb waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor laga yaabo in uu saacadaha soo socdo gudbiyo xubnaha guddiga doorashada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb, kadib safar uu dalka dibadiisa iyo Muqdisho ugu maqnaa muddo, wuxuuna maanta kulan la qaatay wafdi ka socda Baasha Caalamka oo hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambs James Swan.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi Beesha Caalamka waxay ka wadahadleen dardargelinta arrimaha doorashooyinka, amniga iyo bini aadanimada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.

PUNTLAND POST


The post Waa kuma dowlad goboleedka aan weli gudbin xubnaha guddiga doorashooyinka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this