Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo war kasoo saartay xubnaha guddiga doorashada ee laga sugayo Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ‘goor dhaw la filayo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu soo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee Galmudug.

Xubnaha laga sugayo Qoor Qoor inuu soo magacaabo ayaa lagu bedelayaa xubnihii dhawaan laga reebay liiska guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo la tilmaamay inay u qeybsamaan shaqaalaha dowladda, ciidanka Qaranka iyo taageerayaal gaar ah.

“Wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu u xaqiijiyay Ra’isul Wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinayo liiska, sida ugu dhaqsaha badan. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyay Qoor Qoor si la mid ah sidii uu ugu mahad celiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee  horey u soo gudbiyay liiska,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo saaray goor dhaw.

Qoraalka Afhayeenka xukuumadda ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho, kaas oo dalka u jiheeyay doorasho.”

Qoor Qoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee aan weli soo magacaabin xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayey, waxaana la sheegay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalila oo dooneysa inay saameyn ku yeelato xubnaha laga soo magacaabayo Galmudug.

Xiriirkaan dhex maray Qoor Qoor iyo Rooble ayaa ku soo aadaya iyadoo uu maanta Dhuusamareeb tegay wafdi ka socday beesha caalamka, kaas oo la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, waxaana la sheegay in qodobo ay ku jirto dardar gelinta doorashada ay ka wadahadleen.

The post Xukuumadda oo war kasoo saartay xubnaha guddiga doorashada ee laga sugayo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this