Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Culumada Puntland oo ka hor-timid xeer ay dhawaan ansixisay xukuumadda Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) –Culumada deegaanada Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si adag uga hor yimid xeer ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Puntland, kaas oo gabi ahaanba lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha.

Culumada ayaa sheegay in xeerkaas uu ka hor imaanayo shareecada Islaamka, iyagoo baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meel marin xeerkaas, maadaama baarlamaanka loo gudbinayo, kadib ansixintii golaha wasiirrada.

Culumada ayaa xeerkaan ku tilmaamay mashruuc mudo dheer laga hor taagnaa inuu dalka ka hir-galo, isla markaana fasahaad ku ah umadda Soomaaliyeed, iyagoo wasaaradii soo diyaarisay xeerkaan ku eedeeyey in la siiyey sandareero, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaani waa mashruuc, dowladihii dalka soo maray ayaa horay u diiday, maanta waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wada jeesano. Baarlamaanka Puntland anigu waxaan ka rajeynayaa inay ansixinta xeerkaas diidi doonaan, wasaaradda soo diyaarisayna anigu waxaan is leeyahay waxbaa lagu siiyey, laakiin hadii ay ka war qabi lahaayeen khatarta mashruucaan diinta Islaamka lagula dagaalayo ma aysan yeeleen,” ayuu yiri mid ka mid ah Culumada.

“Xeerkaan kama hadlayo gudniin suni ah ama gudniin fircooni ah, balse waxa uu mamnuucayaa gudniin oo dhan, marka golaha wakiillada waxaan leeyahya maanta waa doorkiinii, meesha aad dhigtaan ayaana arki doonaa,” ayuu yiri Sheekh kale.

Khamiistii lasoo dhaafay ee 10-kii bishan June kulan uu shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goobjoogna uu ka ahaa ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayey golaha wasiirrada Puntland dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeer lagu mamnuucayo Gudniinka Gabdhaha, kaas oo wasaaradda Cadaaladda Puntland ay hor keentay golaha.

Hoos ka daawo culumada

The post Daawo: Culumada Puntland oo ka hor-timid xeer ay dhawaan ansixisay xukuumadda Deni appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this