Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Labo Mas’uul oo Ka Tirsan Hey’adda Qaxootiga Qaranka oo Weli Ku Jira Guddiga Doorashada Dadban

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkasta oo midowga musharaxiinta ay xafiiska ra’isul wasaare Rooble u gudbiyeen 67 qof oo ka tirsanaa guddiga lagu muransanaa ee doorashada dadbanaa, codsadeyna in la saaro kuwa lagu helo iney ka tirsan ciidanka ama shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah ayaa hadana waxaa la xaqiiyey in guddiga cusub ee lagu dhawaaqayo ay weli ku jiraan labo mas’uul oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah, gaar ahaan hey’adda qaxootiga qaranka.

Yoonis Xasan Alifow oo ah guddoomiye ku xigeenka hey’adda qaxootiga qaranka iyo Khadar Xariir Xuseen oo isna ka tirsan maamulka sare ee isla hey’adda qaxootiga oo ka mid ahaa 67-kii ay dacwada ka keeneen midowga musharaxiinta iyo xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaan weli la badalin oo sidooda uga tirsan guddiga doorashada dadban.

Xog ay heshay Goobjoog News ayaa sheegeysa in labada ninba ay horay uga tirsanaayeen shaqaalaha Villa Somalia, kadiba u wareegeen hey’adda qaxootiga qaranka oo ay qeyb ka ahaayeen shaqaalaha rayidka haddana ay ku jiraan guddiga doorashada dadban, lana diiday in la badalo cabasho kasta oo ka taallo.

Yoonis Xasan Alifow, waxaa uu ka tirsanaa 8 xubin oo laga soo magacaabay Hirshabelle 29/10/2020-kii, markii hadda lagu celiey maamulkaasi si ay isaga oo qaar kale oo cabasho laga keenay u badalaan, waxaa lasoo badalay uun  Anas Cabdicasis Axmed halka Yoonis aan la taaban.

Yoonis Alifow,  guddoomiye ku-xigeenka hey’adda qaxootiga oo ah, waxaa hey’adda laga shaqaaleysiiyey 23/10/2019-kii, darajada(A), warqado ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan in guddiga shaqaalaha rayidka ah ay ku heleen inuu labo mushaar qaadan jiray, mid Villa Somalia ah iyo mid kale oo hey’adda qaxootiga ah.

Fadeexadda dhacday, Guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka ayaa qoraal ay direen 21/05/2020 waxa ay Yoonis Alifow ka dalbadeen  magdhow lacageed oo dhan $6,3528 taas oo ah mushaar uu Yoonis ka qaatay xafiiska madaxtooyada xilli uu sidoo kale mushaari ka ahaa hey’adda qaxootiga qaranka, waxaana la amray in laga joojiyo mushaarka uu ka qaato Villa Somalia.

WhatsApp-Image-2021-06-16-at-06.15.39.jp

Dhanka kale, Dokomenti kale oo ay aragtay Goobjoog News waxaa ku xusan in wasiirka arrimaha gudaha federaalka ah uu magacaabay April 16, 2020-kii  xubno sare oo ka tirsan guddiga maamulka sare ee hey’adda NCRI, waxaa dadkaas la magacaabay ku jira Khadar Xariir Xuseen, ninkan isaga oo shaqaalaha rayidka ah ayaa markii hore lagu daray guddiga doorashada dadban. Inkasta oo xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi iyo midowga musharaxiinta labaduba dalbadeen in la badalo hadana dheg jalaq looma siin, oo waxaa la sheegayaa inuu weli ku jiro guddiga.

khadar-576x1024.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this