Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar arrin oo tiirar u ah dib usoo laabashada xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kenya ayaa dib u fasaxday duulimaayadii ka imaan jiray Soomaaliya iyo kuwii tagi jiray. Qoraal ay sii deysay wasaaradda arrimaha debadda Kenya ayey sabab la’aan ku fasdaxday socdaalka labada wadan oo uu xiriirkooda xumaa 10-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Dadka labada wadan isaga kala goosha ayaa sameystay dhowr dal oo socdaal seddexaad ah si ay u tagaan dhinaca ay danta ka leeyihiin. Shacabka labada dal ayaa wajahayey dhibaatada socdaalka dheer iyo dhaqaalaha siyaaday.

Nairobi maadama ay iyada joojisay duulimaadkii haddana iyada ayaa fasaxday, halka Soomaaliya oo markii hore jartay xiriirka labada dal sidoo kalana xirtay safaaradeeda ay shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka isla markaasna ay dib u fureyso safaaradeeda Nairobi.

Waxyaabo badan ayaa weli xayiran, waxaana kamid ah ganacsiga qaadka, sidoo kale dacwadda Badda ee labada dal ayaa weli taagan, haddaba maxaa sababay in Nairobi iyo Muqdisho ku dhawaaqaan tallaabooyinkaan dabacsan? waxaan warbixintaan ku eegi doonaa illaa 4 qodob oo sabab u ah.

1) Dhaqaalaha Kenya kasoo geli jiray socdaalka

Ku dhawaad 10 duulimaad oo 5 illaa 6 kamid ah ay yihiin kuwa rakaabka ayaa maalin walba ka bixi jiray Nairobi oo tagi jiray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, adeegyo ganacsi ayaa sidoo kale laga qaadi jiray Magaalada Nairobi, Diyaaradaha laga leeyahay Kenya ayaa guud ahaan ka howlgala gudaha Soomaaliya, shaqaale badan oo Kenya ah ayaa ku hoos noolaa ganacsiga socdaalka ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dhamaan adeegyadaas diyaaradaha, safarada joogtada, adeegyadii laga soo qaadi jiray Nairobi iyo fursadihii ay heli jireen shaqaalaha Kenyanka ah ayaa meesha ka baxay, sidoo kala Magaalada Addis Ababa ayaa noqotay marin ka faa’iday hakadkaas.

Nairobi waxay fahamtay in xayiraadaan aysan macaash badan ugu jirin, dhinaca kalana aysan joogsaneyn dadka soo gala dalkeeda ama ka baxa ee Soomaaliya aada ayna ka faa’ideyso dal kale oo Itoobiya ah.

2) Dowladda Qatar

Dowladda yar ee Qatar ayaa markii hore hagaajisay cilaaqaadka labada dal, waxay Doha sheegtay in labada dal ay dhex dhigtay heshis balse xiisadda laba dal ayaa durba halkeeda ku laabatay taasoo fashilisay guusha ay sheegatay Qatar.

Diblomaasiyiinta ayaa waxay sheegayaan in Doha ay mar kale xoogeeda isugu geysay in labada dal ay ku cadaadiso inay soo celiyaan xiriirkooda, waxaana la rumeysan yahay in Qatar ay gacan weyn ku leedahay heshiiska cusub ee la gaaray.

3) Dhaqa-dhaqaaqa doorashada

Kenya waxay si weyn u dooneysaa in Farmaajo la bixiyo, inay haweeda sii xirnaato ma caawin karin siyaasiyiinta isbadal doonka ah ee laga yaabo inay taageereyso Nairobi si ay meesha uga saaraan  madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Fasixidda diyaaradaha waxay in badan caawineysaa dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed  iyo midka socdaal ee xubnaha mucaaradka Soomaaliya.

4) Daaweynta cilaaqaadka Arrimaha Debadda

Nidaamka Farmaajo wuxuu bilaabay inuu iska dhayo boogaha siyaasadda, dhawaan waxay bilaabeyn hagaajinta cilaaqaadka Imaaraadka, iyadoo ay Muqdisho isku arkeyn Ra’isulwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Nairobi loo diray wafdi ka socdo wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inuu Farmaajo uga gol leeyahay in aysan dilalkaas la gelin dagaal culus xilliga doorashada balse uma badna in arrintaan ay sababi karto inay ka dabciyaan dagaalka siyaasadda maadaama la wada fahmi karo danta ka dambeyso arrintaan.

W/Q: Cabdullaahi Cusmaan Faarax

The post Afar arrin oo tiirar u ah dib usoo laabashada xiriirka Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this