Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo Talaadada maanta ah si rasmi ah u daahfuray kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiiladda ee Maamulka Puntland, ayaa ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda P&O oo hoos tagta shirkadda DP World ay ka qaadi jirtay dekedda Boosaaso.

Heshiiska P&O ee marsada Boosaaso ayuu xusay in dib-u-eegis lagu bilaabay. Khuburo ka socda shirkada ayuu xusay in ay sahmiyeen xafaarida goobta ayna shaqada ku bilaabaneyso muddo laba bil gudaheeda.

Mudada dib-u-habeynta socoto oo aan la cayimin ayuu ka dhawaajiyey in akoonka shirkada P&O laga wareejiyey dakhliga dekadda isla markaana haatan ay ku dhacdo akoonka kale oo ay maamusho dowlada Puntland.

Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emirate-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dhaafeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkadda P&O Port ee hoostagta DPWorld ayaa bishii October sanadkii 2017 heshiis kula wareegtay Dekadda Boosaaso iyadoo afar sano kadib weli aysan waxba ka qaban dhismaha Dekedda sida uu qabey heshiisku.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa go’ay kadib markii sanadkii 2018-kii dawladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirka Iimaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, iyadoo ujeedada u yeeriddu la xiriirtay sidii qaab diblomaasiyadda waafaqsan ay Soomaaliya ugu gudbin lahayd mowqifkeeda ku aaddan arrinta shirkadda DP World  iyo faragelinta ay ku heyso Dekadaha Soomaaliya.

12-kii bishii Maarso ee isla sanadkaas ayu Baarlamaanka Soomaaliya gaashaanka ku dhuftay heshiis dhex maray shirkaddaas iyo maamulka Somaliland, kaasoo saamiga ugu badan ay Dekedda Berbera ku yeelanaysay DP World, hallka Itoobiyana loo qoondeeyay 19%.

The post Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah DP World appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this