Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Who is the 'elusive' Fahad Yaasiin Xaaji

Recommended Posts

Who is Fahad Yaasiin Xaaji? I used to read his qoraallo on Soomaalitalk in early to mid 2000s. I later saw him on Aljasiira Carabi. He seemed like a decent man. However, according to the so-called mucaarad, Fahad is the one who is pulling all the political moves from Filla Soomaaliya today. He is their classical bogeyman.

Someone wrote about him in 2006:

"Fahad Yaasiin Xaaji DaahirDadaalaa Waa Gaadhaa"

Qofkasta oo  aduunka ku nool isla markaana uu ku jiro han ,waxa uu jecel yahay in uu aqoonta iyo cilmiga  meel ka gaadho , mid ku guulaysta  iyo mid ku guul daraysta ayey u qayb samaan, qofkastaaba wuxuu ku dadaalaa waddadii uu u mari lahaa waxa uu higsanaayo in uu naf iyo maalba u huro.

Dhallinyaradii kacday burburkii ka dibna waxaa ku adkaatay intoodii dalka ku hadhay in ay helaan waxbarasho nidaamiya, haddana may quusan, waxay aad ugu dadaaleen in ay waxbarshadooda kor u qaadaan iyaga oo dalalka hareeraha ka xiga Soomaaliya iyo Gasiiradda Carabta abbaaraya.

Fahad Yaasin Xaaji Daahir wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii kacday xilligii burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya , wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaradii ku dadaashay in ay aqoontooda kor u qaadaan oo dagaalka xumi ka dhex socday iyaga iyo wakhtiga iyo dhibaatada waxbarasho ee ka jirtay dalka.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir markii isugu kaaya horaysay waxaanu isku baranay Magaalada Nairobi sanadkii 2000, xilligaas oo uu Fahad waxbarasho gaaban oo uu ugu maqnaa dalka Yaman ka soo laabtay, waxaanuna ku kulan Hotel ku yaala xaafadda Isllii 8street oo lagu magacaabo Ilsan, halkaas oo aanu isugu iman jiray annaga oo ka kooban dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu isaguna ka mid ahaa saaxiibkay C/shakuur Cali Mire (Gaaleri).

Xilligaas waxaa magaalada Carta e dalka Jabuuti ka socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo inta badan lagala socon jiray T.V-yada RTD iyo Ajlazeera oo xagga sare ee Hotel Ilsan maqaaxi ku taalay lagu daawan jiray, marka laga soo jeestana doodo iyo aragtiyo laysku weydaarsan jiray.

Waxaa dhici karta haddaba in dad badani isweydiiyaan kuma ayuu ahaa wiilkan Soomalaiyeed ee marqudha shabakada aduunka xilligan ugu afka dheer ee Aljazeera uga soo warama magaalada Muqdisho?. Halkee wax ku soo bartay, oo luqadan Carabiga ah ee uu  ku luuqaynayo kaga soo qalin jabiye?.

Waa su’aalo dad badani isweydiin karaan , laakiin aqoonta aan u lee yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taas oo ka dhalatay muddo 2 sanno ah oo aanu meel kuwada noolayn xillina ayba jirta in aanu isku meel  ka soo toosi jirnay, mar marka qaarkoodna aani laptop wadaagi jirnay, in ay tahay mucjiso iyo in haddii uu qofku dadaalo uu gaadhi karo qasadkiisa, yoolkiisa , iyo hadafkuu lahaa.

Guulweyn weeye oo u soo hooyatay Soomaaliya in maanta la helo wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliya  oo saxaafadda carabiga oo ah dhinac aynu  hadaynu nahay Soomaalida aad uga liidano in uu ku soo baxo, guulana ka gaadho.

Fahad yaasiin Xaaji Daahir intii aanu ku biirin TV-ga Aljazeera waxa uu guula ka soo hooyey saxaafadda Soomaaliya oo uu in badan qoraalo aad loo xiiseeyo ku   soo qoray wargeysyada ka soo baxa Muqdisho, gaar ahaan Ayaamaha iyo shabakadda ugu caansan Soomaaliya uguna nadiifsan www.somalitalk.com, maqaaladiisuna ahaayeen kuwo aad dhagaha iyo indhahaba loogu raariciyo.

 Fahad maaha saxafi ka soo qalin jabiyey kuliyada saxaafadda ee waxa weeye  nin dhallinyaro ah oo dadaalay carabigana bartay kuna dhaqaaqay sidii uu guul uga soo hoyn lahaa, waana arrin mudan ku dayasho, oo qofkasta oo dhallinyaro ah oo maanta jooga gudaha iyo dibaddaba uu isku hawlo sidii uu carabiga u baran lahaa uguna difaaci lahaa karaamada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana jirta in ay banaana yihiin gobo badan oo maanta  looga baahan yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee Luqadda  Carabiga qorta kuna hadasha, waxaana  lana odhan karaa  Kinalka Aljazeera waxa uu soo celiyey sharaftii iyo haybaddii luqadda Carabigu lahayd, oo maanta noqotay Luqad ay reer galbeedku aad u danaynayaan si ay u ogaadaan waxa ka socda Bariga Dhexe iyo Dunida Islaamka.

Waxaan maqaalkan ku soo gabgabeynayaa (Dadaalaa Waa Gaadhaa)

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fahad Yaasiin Xaaji finally has written a qoraal ku saabsan sirdoonka Soomaaliya uu madax ka ahaa.

Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa

Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran. 

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay’adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah. 

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda. 

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada. 

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo. 

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka. 

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool. 

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd. 

Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan. 

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka. 

Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba. 

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah. 

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda. 

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya. 

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah Shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. 

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan. 

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed. 

Waa hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ I really don't.  But you know and I know that when one person has that much say so, without powers of oversight,  it's extremely detrimental. 

 

This fellow is Qatar's money bags, literally.  He's opportunist. It's the money that brought Mr  Farmaajo and him together.  

The problem I have with the head of state is he should by now realise that somali presidency is sacred than someone that facilitated financially his route to the presidency.  

Farmaajo is still way too reliant on him. No one is bigger than the presidency.  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Why does he not tell us about the ambitious young spy missing to this day?

Also, under his tenure killings by Al Shabab has tripled. How is he deserving anything except a court of law to answer his actions?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.