Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Sheeko layaable: Nin labo Hablood Mar Wada guursaday (again)

Recommended Posts

Waxaan la yabnahay dadka faraha badan ee leh yagaa ogol or they are happy....as usual gabdho maskiin ah oon wax garneyn oo brainwash lagu sameyay baa mesha joogo. Did you hear how defensive they all were "aad baan u farxasanahay" even before they were asked. I didn't buy it a second aniga.

Ismalura Brainwash is normal in marriage ama ninkaa wax waala oo maskaxda ka qabsada ama naagta. Si kasta ha ahaato ee halkan waxa inooga cad in ninkani si fiican madaxa uga qabsay haddii waxkale oo uu ku soo jiito aanu haysan.

 

Haddii kuwani ay Allaybady joogaan ooy masaakiin yahiin waxa dhowaan laga fili karaa London oo ayaba polygamigu uu ku sii badanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwii hore hadaad la yaabanayd kuwo cusub baa ku dayday

 

 

A6-600x450.jpg

a9-600x450.jpgA7-600x450.jpg

A2-600x450.jpgA8-600x450.jpg

 

 

 

Aroos Cajiiba: Wiil laba Hablood Mar Keliya Xalay Kula Aqal-galay Deegaanka Tuulada Abaarso + SAWIRO

 

 

Hargeysa (OWN)- Waxay ahayd xalay markaan dhinaca galbeed uga ambabaxay magalada hargaysa, si aan uga qayb galo arooska Axmed Cabdi Cismaan iyo caruusadaha kala ah (Amran Maxamed Mooge iyo Farduus Farax Maxamuud) kula aqalgalay meel inyar uun kasokaysa tuulada abaarso, hadaba siaan indhahayga ugasoqaado oon la iiga sheekayn aroosyada noocana ee imika kusoobadanaya wadankeena Somaliland ayaan u uhubqaatay ka qaybagalka aroskan anagoo kaxaysanay gaadhi noo gaarah.

 

Tegitaankayagii iyo Waxyabihii Xisaha Laha een ku arkayay:

Waxanu baxnay saladii maqrib kadib anaga oo u dhaqaaqnayn dhinaca aroosku kadhacayay oo in kayar 20 kilometer u jirta magaalada Hargaysa kana xigta xaga galbeed waa tuulada Abaarso sokedeeda e , waxyabaha xisha leh een arkayay intii anu jidka kusoo jiray wax kamid ahaa, dadfarabadan oo dariiqa dheer ee lamiga ah ee isku xidha Hargaysa iyo Abaarso sii qul qulaya iyagoo qaarkood lug ku tagayay goobta arooskan wiilku labada dumarka ah halmarkula aqal galayay, dadkaasi oo casarkii bilabay inay ulugeen arooska wadada dhinacyadeedana lugaynayay xiisaha ay uhayaan inay maruun indhaha soo saran arooskan ah awgeed , wiil aan aroska kula kulmay aya ishegay inay ilaA Hargaysa soo lugeyeen siay u ga qaybgalaan arooskan madama ooy xisaynayeen aroska nocana ee wadankeena jusoo badanaya inay arkaana ay usoo mareen jidkaa dheer ilaa 20 kilometer, intaa waxa dheeraa dad sookiraystay gawaadhi sidabasas, tagaasi iyo gawaadhi kaleba kuna soo gadhay goobta arooska, iyadoo meeshu laceryoontay gawaadhi iyo dad.

 

Muuqaalkii Goobta:.

Waxaa loo dhisay Arooskan laba Guri oo Toobal caareyaal ah waa guryaha ugu quruxdabadan ee miyiga laga dhisto ee meel waxyar ujirtana waxa laga dhisay Dadab aad u wayn oo Arooska lagu qabto taasoo si farshaxana loo dirayaariyay.

waxaa iyana intaa dherayd goob iyana dadka kazoo qaybgalayasha ah loogu diyaariayay sooryo ama casho intay meesha joogaan.

Bilaabmidoo xaflada iyo jawigeedii:

Waxaa intaan xafladu bilaabmin buuxdhaafiyay goobtii xaflada dadwaynihii kazoo qayb galay taaso adkaysay in xafladu bilaaban, waayo qofkastaa waxaa uu rabay inuu arko ama dul istaago Arooska iyo Aroosadaha siuu indhaha uga qaado dadkuna aadbay ubadnayeen tasoo kentay in inyar lahakiyo xafladii sihorta dadka lookala habeeyo, waxan la dalbaday askar iyo dad gaara oo suga /habeeyana goobta. Cabaarkadib waxa sifiican loohabeyey xafladii waxana siwayn loogu soodhoweeyey Arooskii oo ay gacmaha ishaystaan labadisa Xaas ama Aroosadood, waxana lafadhiisiiyey goob ugaara oo loogu talo galay inay fadhiistaan.

Waxana dadkii kazoo qaybgalay xafladu siwayn ugu damashadeen uguna ciyaareen Arooskii axmed iyo labadiisa caruusadood iyagoo Arooska iyo labadisa caruusadoodna ay dadka kala qaybgalayen ciyaarta iyo damashaadka iyagoo gacmaha ishaysta .

Sababta keentay in uu Axmed labada hablood mar lawada aqal galo iyo dareenadoodii siduu ahaa:

Kadib markii aan u kuurgalay waxyabaha ka danbeyey in arooskani marka laga reebo inay ahayd calaf oo dabcan dee ilahay calafkiisaa ka dhigay inuu habeen qudha la aqal galo laba dumara axmed, hablahana calafkoodaa kadhigay inay habeen hal nin wada guursadaan.hadana malaha sabab kale ayaynu inta badan raadinaa maqaalkaygana dadku kadhex egayane waxan xogti kuso helay in marka hore wilku mid laheshiyay si qarsoon kadibna ay isku yara dheceen, markii danbena uu gabadha kale soo kaxaystay. taasoo keentay in walidkii ama aabihii uu wiilka ka codsaday madama oo uu marki hore gabadh laheshiyay ayna ushegtay walidkeed oo ay walidkedna diyaaryihiin balansanyihiina in aanu kanoqon si uu dhaqanka iyo milgaha labada reerood u ilaaliyo. isla markaana gabadhan cusubna madama oo uu kenayba aan lacelin ee labada hablodba mar lawad meheriyo lana wada arooso sidiibayna wilkii iyo abihii isla qateen hawshiina ku dhamatay.

Mar ay isuuro gashay inaan wax kawaydiiyo darenkoda caruusku wuxuu ishegay inuu ku faraxsanyahay waajibaadkan uu gutay ee ah inuu laba xaas samaysto, labadadoodana uu si isku mida raali ugayahay uguna xaqsoori doono insha alah. dhinac aroosaduhuna waxay ishegeen inay kufaraxsanyihiin arooskooda oo aanay wax cuqdada kaqabin inay marwada aqalgalaan ralina iskaga yihiin, intaa waxa dheeree oon ku arkayay in sadexdooduba ay iskafaraxsanayeen oo ayintabadana dhoolacadaynayeen umay ekayn dadqasab lasikugu kenay ee dad sidan iyagu rali kuwada ahabay iila ekayeen.

Gebo gebo: Beryahan danbe waxaa soobadanaya aroosyada nocan oo kale ah ee kadhaca wadankeena, iyadoo intaan ogahay ay 3 aroos oo noocan oo kale ahi ka dhaceen , tuulada garabis, hargaysa , iyo waliba degmada alaybaday, kanina waxa uu noqonayaa arooskii 4 aad ee nocisa ah .

Waxaan anoo kafaaidaysanaya fursadan jeclahay inaan uga hambalyeeyo arooskan , waxan ugu ducaynayaa ducadii nabiga (barakalaahu laha wabaraka calayka wajamaca baynakumaa bilkhayr aw filkhayr).

Cudurdaar:

Waxan kayara cuduraaranayaa sawirada qaarkood oo woxoogaa aan clear ahayn ama shoocacyari ku jiro .

 

 

Yusuf Hasan Jaamac

gudgude01@gmail.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Wiil cusub brain washka London iyo Somalia ma kala xigo. Aniga this whole idea of pologamy ma taagero however, nin 10 sano kadib naag kale gursday ama atleast bilo ka dib waa waji lakiin waxan hal habeen la guursanayo waa dayuusnimo cad. How do people even concieve such ideas in the first place?

 

Walahi tii hore waan ka xaaaqay lakiin tan danbe jidhiidhacyo ayaeyba igu kicisay. Like I said before gabdhahan hadii maskaxda laga qabsaday away dadkii dhalay. My dad would kill me long before I do such nonsense. Waxan showga laga dhiganayo sharaf daradiisa lamaba arko miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniga this whole idea of pologamy ma taagero however, nin 10 sano kadib naag kale gursday ama atleast bilo ka dib waa waji lakiin waxan hal habeen la guursanayo waa dayuusnimo cad.

Totally agree Waxa meesha ka muuqata qiimo dhac lagu samaynoyo nolashii qoyska oo ay ku xidhantahay mustaqbalkii bulshada dhan.

 

May be the first one was necessity and the fellowing 3 cases showoff, and the media is part of creating sensation.

 

Somali wareer baa haysta gudo iyo dibadba

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

A human rights violation.

 

Reer koonfureedka waxay yiraahdaan, isku dayasho dameeraa makhaayad ku galey.

 

Marka Soomali isku dayashada iyo show-off-ga riqiiska ah waa lagu yaqaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Somali version of sister wives ahaa. Normally, there isn't peace between those who "share" (to borrow Aliyah's word LOL), these ones are OK with getting married and wed in the same night at the same location. How nice!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naasir, oraahdaas adaa iska camiratay miyaa? :D

 

How come all this new custom arooseedkaan Waqooyiga ka socdaan if I am not wrong? Mise isku dayashada uu Naasir sheegaayo waaba run.

 

Dhaqankaan camal kuwii la baxay Barbaarta ka sugaaye. Mise taloow kuwaas wey sameeyaan laakiin isma soo bandhigaan yaa ogaado.

 

Anyway, this was on the news today.

 

Pakistan media gripped by man marrying twice in one day

 

A Pakistani man's solution to the age-old dilemma of whether to embark on an arranged or a love marriage has captivated the country's media.

 

Television channels have provided live coverage of Azhar Haidri's decision to marry both women over a 24-hour period.

 

At first he refused to marry the woman selected by his family since childhood because he loved someone else.

 

Pakistani law allows polygamy because it interprets Islam to allow a man to have up to four wives.

 

Islam is the main religion in the country.

 

Men who take multiple wives usually do so after a period of several years - and must get approval from their first wife prior to a second marriage.

 

Correspondents say that while it is not unusual for men in Pakistan to have several wives, it is rare for two weddings to take place almost simultaneously under the full glare of the media.

'Lucky'

 

Several Pakistani television stations have carried the nuptials live - on Sunday and Monday - because of the unique circumstances.

 

Mr Haidri's love for 21-year-old Rumana Aslam - ahead of 28-year-old Humaira Qasim - at one point threatened to split his family apart.

 

"I gave this offer that I will marry both of them," Mr Haidri, 23, told the Associated Press ahead of his first marriage to Ms Qasim on Sunday in the central Pakistani city of Multan. "Both the girls agreed."

 

He is scheduled to marry Ms Aslam on Monday.

 

Both women appear to have given their consent to the compromise and say they plan to live as sisters and friends.

 

"I am happy that we both love the same man," Ms Aslam told AP.

 

Mr Haidri, a herbal medicine practitioner, counts himself lucky.

 

"It is also very rare that two women are happily agreeing to marry one man," he said.

 

_________________

 

Maxee wax buun buuniyeen Reer Galbeedkaan warbaahintooda. 'Gripped' aaba la qoray, Beenbeensii's title almost coming across like what a tabloid editor would write -- such a sensational.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fazliyah   

How come all this new custom arooseedkaan Waqooyiga ka socdaan...

thas what I'm wondering too must be the new thing up north mise naagihii ayaa tirada ka batay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

like everything else, certain somali men twist diinta (or even worse pick and choose) which verses best serve dantooda.

 

I agree with my sisters Nina and AAliyah, gabdhaha danbaa meesha kuqasabtay. no woman likes to share her hubby.

 

I guess kuqabatay iyo qadar alle waala qaataa :mad: :mad:

 

I wonder if men are able to ever imagine.....imagine if it was allowed and women could take 2 or 3 husbands? would you still like to share? now same image, same feeling applies.

 

I better stop before aan oolyada iyo fariinka isku darin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this