Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo markii ugu horeysay 24 saac gudahood laga waayey kiisaska COVID19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in 24 saac oo xiriir ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo dhan laga waayey hal kiis oo cudurka COVD19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddoyinkii ugu dambeeyey ay sii yaraanayeyn kiisaska COVID19 taas ugu dambeyntii keentay in hal kiis laga waayo Soomaaliya oo dhan 24-tii saac ee u dambeysay.

Kiisaska COVID19 ee Muqdisho ayaa maalmihii dambe si gaar ah usii yaraanayey, waxaana muddooyinkii dambe kiisaska u badnaayeen Gobolada Dalka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada talaalka cudurka Coronavirus, waxayna dhawaan wasaaradda sheegtay in qeybtii labaad ee talaalka la keenay Soomaaliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaan sidaan u qornaa:

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770

o Laga Helay: 0

o Bogsashada: 21

Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779

Bogsashada Guud: 7,016

Dhimashada Guud: 774

The post Soomaaliya oo markii ugu horeysay 24 saac gudahood laga waayey kiisaska COVID19 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this