Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuunka COVID-19 oo 24-saac ee u dambaysay laga waayay guud ahaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbixintii u dambaysay oo ay soo saarto ku sheegtay in xanuunka COVID-19 laga waayay dhammaan dadkii laga baaray 24-saac ee u dambaysay.

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in 24-saac ee u dambaysay xanuunka laga baaray 770 ruux guud ahaan waddanka, islamarkaana dhammaantood laga waayay.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa tilmaantay in 21 bukaan 24-saac ee u dambaysay ka bogsadeen xanuunka COVID-19.

Tirada guud ee cudurka laga helay tan iyo markii uu dalka ka dillaacay ayaa gaaraysa 14,779 bukaan sida laga soo xigtay warbixinta wasaaradda Caafimaadka.

PUNTLAND POST

The post Xanuunka COVID-19 oo 24-saac ee u dambaysay laga waayay guud ahaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this