Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhallinyaro ka mid ah Askartii ay Xukumada Farmaajo u qaaday Eritrea oo soo baxsaday+Xoggo culus oo ay shaaciyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhallinyaro ka mid ah Askartii ay Xukumada Farmaajo u qaaday Eritrea oo soo baxsaday+Xoggo culus oo ay shaaciyeen

Daawo: Dhallinyaro ka mid ah ASKARTII ay DF u qaaday Eritrea oo kasoo baxsaday iyo xog culus oo ay shaaciyeen

Dhalinyaro ka tirsan askartii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa kasoo baxsaday xeryihii ay ku jireen ee dalkaas.

Dhalinyarada oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana loo sheegay in tobabar loo geynayo dalka Qatar, kadibna laga dejiyay Eritrea.

Waxay sheegen in dowladda federaalka ay qaaday dhalinyaro ku dhow 5,500 oo Askari, kuwaasi oo kala ahaa dhowr dafcadood oo kala dambeeyay, sida ay warbaahinta u sheegen.

“Waxaa kamid ahaa ciidamadii laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaa markii hore na-lagu qalday in nala geynayo Qatar, balse waxaa nagala dejiyay Eritrea,” ayuu yidhi mid kamid ah dhalinyarada askarnimada loogu qaaday Eritrea ee soo baxsaday.

Dhalinyarada oo socdaal dheer oo dhulka ah kusoo soo maray gobolada Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ugu dambeyntii soo gaadhay magaalada Garoowe

“Anaga iyo waxaa isku dhacnay askartii Eritrean-ka ahaa oo dagaal ina-dhexmaray waxaa nagala laayay qaar kamid ah askarteeni u socday tobabarka, waxayna nala dhaceen bambooyin iyo xabado” ayuu yidhi mid kamid ah askarta kasoo baxsaday Eritrea.

Sidoo kale waxay sheegen intii ay ku jireen xeryaha tobabarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jira jidhdil iyo ciqaab, taasi oo markii dambe ay u adkeysan waayen, oo keentay inay kasoo baxsadaan.

Askarta ay dowladda federaalka u geysay Eritrea tobabarka oo ay qeyb ka ahaayeen dhalinyartaan kasoo baxsatay ayaa waxay dalkaas ku sugnan yihiin muddo ka badan 2-sanno, oo aysan helin daawo iyo xuquuqda aas-aasiga ah, sida ay sheegen.

Dhalinyartaan maanta warbaahinta la hadlay oo wajiyadooda laga dheehan karo diifta iyo rafaadka ay usoo mareen sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen ayaa qaarkood waxaa lagu xidhay deegaano ka tirsan Itoobiya, kadib markii ay booliska u gacan galeen ayaga oo baxsad ah.

Ugu dambeyntiina waxay baaq u direen waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea, “Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ay ka maqan yihiin carruurtoodi si deg-deg ah ugu baaqeyna inay jiriyaan oo loo keeno.”

Arrintan ayaa imaneysa xili ay sarre u kacday xiisada ka dhalatay askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea oo sanado ku maqan, waxaana magaalada Muqdisho maanta ka bilowday dibad-bax ballaadhan oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this