Sign in to follow this  
Deeq A.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga reebay doorashada ka dhacaysa Dalka Itoobiya Juun 2021+Sababaha loo cuskaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga reebay doorashada ka dhacaysa Dalka Itoobiya Juun 2021+Sababaha loo cuskaday

Qaar ka mid ah qalabka loo diyaariyey cod bixinta doorashada Itoobiya

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii lagu waday inay bishan June 21 ka dhacdo deegaannada Soomaalida iyo Hararida dib loo dhigay.

Guddoomiyaha, Birtukan Mideqsa, waxay sheegtay in doorashada labadaas deegaan ay dhaceyao 6-dabisha September ee sannadkan 2021.

Waxay dib u dhigista u sababeysay khaladaad lagu arkay waraaqaha diiwaangelinta codbixoyeyaasha. Balse dalka Itoobiya intiisa kale way ka dheceysaa doorashada xilligii loo asteeyay.

Guddiga ayaa sheegay in dhammaan deegaannada doorashadooda dib loo dhigay oo dhan ay codeynta ka dhici doonto bisha September.

Taa micneheedu wuxuu yahay in doorashada, dhammaadka bishan, aysan ka dhici doonin deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Deegaanka Soomaalida oo ka mid ah 10-ka dowlad deegaan ee xubinta ka ah Federaalka Itoobiya, waxaa ka socday diyaargarow xooggan oo loogu jiray sidi ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd, balse hadda go’aankan ayaa laga yabaa in dad badan uu niyad jab ku keeno.

Xisbiyadii ugu badnaa abid ayaa deegaanka Soomaalida isu diiwaangeliyay si ay uga qeybgalaan doorashada.

Xisbiyada mucaaradka ee doorashadaas ka qayb galaya waxaa ka mid ah ururka ONLF, Xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda iyo Xisbiga Ezema.

Xisbiga talada deegaankaas haya ee Barwaaqo ama PP, wuxuu sidoo kale ka qayb yahay loollanka loogu jiro doorashada deegaanka Soomaalida.

 

Deegaanka Soomaalida ayaa seddexdi sano ee ugu dambeeyey noqday midka ugu nabdoon Itoobiya, waxaana ka dhammaaday dagaalladii jabhadaha oo sababtay in deegaanka uu nabad noqdo.

deegaannada kale ee dalka Itoobiya waxaa intooda badan ka socdo dagaallo u dhexeeya qabiillo ama malleeshiyaad iska soo horjeeda.

Waxaa ka mid ah colaadaha ka socda qayba badan oo ka mid ah deegaanka Oromiya iyo Benishaangul oo ay waddo jabhadda OLF-Shane oo ah garab ka baxay jabhaddii xornima doonka Oromada ee OLF ee Itoobiya heshiiska nabadeed la gashay.

.

Doorashada Deegaanka Soomaalida ka dhaceyso sannadkan waxaa codbixinta isu diiwaan geliyey tiradii ugu badneyd ee codbixiyeyaal.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka warbixinayey geeddi socodka diiwaangelinta doorashada, wuxuu sheegay in ay codbixinta iisu diiwaan geliyeen in ka badan 3 malyan oo qof.

Tiradaas waxay noqoneysaa tii ugu badneyd oo doorasha ka qayb qaadata inti uu deegaankaas jiray.

Diiwaanka lagu diiwangeliyo codbixiyaasha doorashada Itoobiya ka dhaceyso

Dhanka kale Doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanka Soomaalida, waxaa u sharraxan dumarkii ugu badnaa.

Xisbiga PP oo kale musharrixiinta haweenka ee doorashada deegaanka ka dhaceyso oga qeybgaleysa wuxuu ku sheegay boqolkiiba 30%.

Iyada oo xisbiyada kalena ay musharrixiin haween ah ay soo sharraxeen, inkastoo tirada rasmiga ah aana weli la xaqiijinin.

Xogta guud ee doorashada Itoobiya 2021

Doorashada lagu wado in 21- June ee sannadkan ay Itoobiya ka dhacdo, waxaa ku loollamaya 47 xisbi, oo isugu jira kuwa u tartama heer qaran iyo kuwa heer deegaan ah.

Seddexda xisbi ee musharrixiiinta ugu badan diiwaan geliyey waxay kala yihiin EPP (xisbiga talada dalkaasi haya), EZEMA iyo INNAT, waxayna soo sharraxeen musharraxiin kor u dhaafaya 8,200.

Wuxuuna guddiga doorashooyinka qaranka ee Itoobiya sheegay inuu dadaal xooggan ugu jiro sidii loo billaabi lahaa diiwaangelin laga sameeyo goobaha amniga darrada aawadeed aysan diiwaangelinta codbixiyeyaasha uga billaabmin.

Sidoo kale, doorashada Itoobiya ka dhaceysa sannadkan, kama dhici doonto deegaanka Tigray oo weli ay ka taagan yihiin rabshado u dhexeeya TPLF iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Amxaarada.

Shan arrimood ka ogow doorashada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya

1. Xisbiyada badan

Deegaanka Soomaalida waxaa markii ugu horreysay doorashada isu diiwaan geliyey xisbiyadii ugu badnaa.

Xisbiyada mucaaradka ee doorashadaasi ka qayb galaya waxaa ka mid ah ururka ONLF, Ururka Xorriyadda iyo Caddaaladda iyo Ururka Ezema.

Xisbiga talada deegaankaasi haya ee Barwaaqo ama PP wuxuu sida oo kale uu ka qayb yahay loollanka loogu jiro doorashada deegaanka Soomaalida.

Waxayna xisbiyadaasi dhammaantood ay u tartamayaan kuraaska golayaasha baarlamaanka iyo kuwa deegaanka (degmooyinka iyo magaalooyinka). Iyada oo ay xusid mudantahay in madaxweynaha deegaanka Mudane Mustafa Cagjar uu ka mid yahay musharixiinta u taagan baarlamaanka deegaanka.

2. ONLF oo doorashada qayb ka ah

Ururka ONLF wuxuu ka mid yahay xisbiyada mucaaradka ee doorashada deegaanka Soomaalida ka qaybgaleyso kuwooda ugu cad cad.

 

ONLF oo muddo aad u dheer dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa dowladda Itoobiya heshiis ka gaartay kaddib markii uu dalka Itoobiya uu isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay, Abiy Axmed oo hoggaanka dalkaasi qabtayna uu ku dhawaaqay Jabhadaha dowladda ka soo horjeeda iney miiska wadahadalka u soo laabtaan.

ONLF oo iyaduna baaqa dowladda soo dhaweysay waxay wadahadal la gashay wakiillo ka socday dowladda Itoobiya ugu dambeynti bishii October 2018-kii labada dhinacba waxay ku dhawaaqeen iney heshiis hordhac ah gaareen.

Heshiiskaasina ay ku gaareen magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wakiilladii labada dhinac ee ku kulmay Asmara
Wakiilladii labada dhinac ee ku kulmay Asmara

Xoghayihii arrimaha dibadda ee ONLF ee xilligaasi, Axmed-Yaasiin Sheekh Ibraahim, wuxuu BBC u sheegay in ay ku heshiiyeen in “ONLF hawlaheeda si nabdoon u sii wadato”. Wuxuu intaa ku daray in la isku afgartay in wadahadallada la sii wado.

Heshiiskaasi kaddib iyo kulammo dhowr ah oo isxig-xigay waxaa ka dhalatay inuu ururka ONLF nabad buuxda qaato askarto ONLF ahna lagu daray ciidamada deegaanka Soomaalida.

Ugu dambeyntina ONLF wuxuu ka mid noqday ururrada siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka diiwaan gashan oo la siiyey shahaadada aqoonsiga uu uga qayb galay kaddib marki uu buxiyey shuruudihi looga baahnaa.

3. Doorashada oo dhaceysa deegaanka oo nabad ah

Deegaanka Soomaalida ayaa seddexdi sano ee ugu dambeeyey noqday deegaanka ugu nabdoon Itoobiya. Iyada oo aysan jirin jabhad duurka ku jirta ama dagaallameysa.

Halka deegaannada kale ee dalka Itoobiya ay ka socdaan dagaallo ay jabhado wadaan sida kuwa ka socda qayba badan oo ka mid ah deegaanka Oromiya iyo Benishaangul oo ay waddo jabhadda OLF-Shane oo ah garab ka baxay jabhaddii xornima doonka oromada ee OLF ee Itoobiya heshiiska nabadeed la gashay.

Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya

Deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiyana ku dhawaad 6 bilood iyo ka badan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah jabhadda TPLF ee ay Itoobiya ku sheegtay argagxiso.

Dagaalka Tigraay oo billaawday kaddib marki uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu sheegay maleeshiyaad daacad u ah TPLF iney weerareen isla-markaana ay qabsadeen saldhiggi ugu weynaa ee ay ciidamada dowladda dhexe ku lahaayeen Waqooyiga dalkaasi gaar ahaanna gobolka Tigraay.

 

Doorashada sanadkan ayaa deegaanka Soomaalida ka dhaceysa iyada oo deegaanka Soomaalida uu haysto nabaddi abid ugu wanaagsaneyd wax amni darra ahna deegaankaasi aysan ka jirin.

Deegaanka Soomaalida oo isbeddelki dhacay 2018-ki wixi ka horreeyey ahaa mid ay nabadgalyadiisu aad u liidato oo gobolla badan ciidan la’aan aan la mari karin iisu socodka habeenkina aan laguba fakirii karin.

4. Codbixiyeyaashii ugu badnaa ee doorashada iisu diiwaan geliyey?

Doorashada Deegaanka Soomaalida ka dhaceyso sanadkan waxaa codbixinta isu diiwaan geliyey tiradii ugu badneyd ee doorasho iisu diiwaangeliso.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka warbixinayey geeddi socodka diiwaangelinta doorashada deegaankaasi wuxuu sheegay iney codbixinta iisu diiwaan geliyeen in ka badan 3 malyan oo qof tiradaasi oo noqoneysaa tii ugu badneyd oo doorasha ka qayb qaato inti uu deegaankaasi jiray.

Shacabka deegaankaasi marki ay si buuxda diiwaangelinta codbixinta ugu soo dareereenna waxaa lagu kordhiyey maalmo dheeri ah oo ka baxsan inti horay loo qoondeeyey.

Inkasta oo guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ay sheegeen deegaan doorashooyin ku yaalla deegaankaasi in geeddi socodka doorasha cabasha la soo gudbiyey ayna u saareen guddi soo baaro, inta ka horreysanaya deegaannadaasi la hakinayo ayna adagtahay iney codbixintu ka dhaco 21-ka May oo ay dalka intiisa kale codbixinta doorashada ka dhaceyso.

5. Saamiga haweenka

Doorashada la filayo iney ka dhacdo deegaanka Soomaalida waxaa u sharraxan dumarkii ugu badnaa.

Xisbiga PP oo kale musharrixiinta haweenka uu doorashada deegaankasi ka dhaceyso uu u diyaariyey wuxuu ku sheegay 30%.

Iyada oo xisbiyada kalana ay musharrixiin haween ah ay iyaguna soo sharraxeen waloow aan tirada rasmiga ah ay weli noo xaqiijin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this