Sign in to follow this  
Deeq A.

55 Qoys oo ka soo cararay colaadda Yemen oo soo gaaray Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaxooti ka soo cararay colaadda waddanka Yemen oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo ku noola dalkaas ayaa shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dekedda Boosaaso ku soo dhoweeyay dadkaas isu’gu jira Soomaalida iyo Yemeniyiinta kadib markii halkas ay keentay doontii siday.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 55 Qoys ay ku soo dhowaysay dekedda Boosaaso waxaana loo gudbiyay xarun ku yaalla gudaha magaalada oo lagu qaabilo dadka ka imaanaya waddanka Yemen ka hor intaan la dejin.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa Boosaaso soo gaaray Qoysas ka kooban Soomaali iyo yemeniyiin oo ka soo cararay colaadda sokeeye ee ka loosan dalkaas.

PUNTLAND POST

The post 55 Qoys oo ka soo cararay colaadda Yemen oo soo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this