Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo diidan inuu dalka soo galo ergeyga Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan guddoomiyaha Midowga Afrika ku war-gelisay in Soomaaliya aan looga baahneyn Ergeyga uu 7-dii bishan May usoo magacaabay ayaa hadda u diidan in uu dalka soo galo, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa horay ugu gacan seyray dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga laabto ergeyga cusub oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ay ku eedeysay inuu xiriir dhow la leeyahay Kenya.

Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in ergeygaas uusan soo gelin dalka, haddii Midowga Afrika aanu ka laaban magacaabistiisa.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u diray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku taariikheysan 9-kii bishan May, ayey dawladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan taageero siin doonin John Mahama oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana, saaxiib dhowna la ah Kenyaanka sida ay ku doodeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya waxay ku dooday in haatan hannaanka heshiis lagu wada yahay uu bilaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana 20-ka bishan May loo balansan yahay shir guud oo lagu dhameynayo madmadow hor taagan in la qabto doorashooyinka dalka.

Warqadda uu wasiirku u diray Midowga Afrika waxaa kaloo lagu sheegay in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto howsha doorashada ee uu haatan guda galay Ra’iisul Wasaare Rooble.

The post Xog: DF oo diidan inuu dalka soo galo ergeyga Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this