Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sida ay DF Soomaaliya u hor-istaagtay qorshihii Kenya Airways ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa daboolka ka qaadeysa sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways  ay u bilaabi laadahay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalada Hargeysa ee Somaliland, bilo kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in duulimaadkii tooska ahaa ee Hargeysa uu weli ku jiro hakad, ayada ka gaabsatay faah-faahin intaas ka baxsan.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways u bilaabi laadahay duulimaadka tooska ah ee Hargeysa ayaa ah inay ogolaansho ka la’dahay wasaaradda.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa diiday inay diyaaradda Kenya Airways u ogolaato fasax ay ku tagto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii ay su’aal gelisay hab macaamilka Kenya ee Somaliland.

“Anaga ayaa mamulna hawada Soomaaliya, mana jirto diyaarad iman karta garoon ka tirsan dalka, ayada oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka,” ayuu yiri xubin sarre oo ka tirsan Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo la hadlay Caasimada Online.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Kenya mid wada fowdo, maadama ay rabto inay Somaliland ula taacamisho sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo ay ka biyo diidan tahay dowladda federaalka oo ayadu gacanta ku haysa maamulka hawada.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta iska fogeysay warar sheegayay inay duulimaad toos ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland dhamaadka bishan aan ku jirno ee May.

“Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda.

“Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada.

Qorshaha ay diyaaradda Kenya Airways ugu tageyso duulimaad toos ah magaalada Hargeysa ayaa soo socday billooyinkii dambe, hase yeeshe waxa uu ka dhaqan gali laayahay dowladda federaalka oo u aragta xad-gudub ka dhan Jamhuuriyada.

The post Xog: Sida ay DF Soomaaliya u hor-istaagtay qorshihii Kenya Airways ee Hargeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this