Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Laba qodob oo sababay inay dowladda Kenya joojiso duulimaadyada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay soo saartay go’aan ay ku joojineyso duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, marka laga reebo duulimaadyada caafimaadka iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo. 

Si rasmi ah looma shaacin sababta go’aanka, hase yeeshee waxaa la sheegay in joojinta ay jiri doonto muddo saddex bilood ah, waxeyna ku soo aaday saacdo kadib markii ay Soomaaliya sheegtay in aysan fasaxin qaadka ka iman jiray dalka Kenya. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Kenya u joojisay laba arrin oo kala ah. 

1- In dowladda Soomaaliya aysan fasaxin qaadka ka yimaada dalka Kenya oo sanadkii malaayin lacag ay ka hesho dowladda Kenya. Wararku waxay sheegayaan in nin la dhashay Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare Cali ay dalka keenaan qaadka Itoobiya dartoodna loo joojiyay kan Kenya.

Qaadka Kenya ayaa markii hore u xirnaa ganacsato Soomaali ah, hase yeeshee maadaama aan laga wareejin karin la joojiyey gebigiisa si mashruuc kale oo dhanka Itoobiya ah loogu furo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare, kaasi oo ay malaayiin dollar hadda ka sameeyaan. 

2- Warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay Midowga Afrika, taasoo lagu dalbaday in la badalo ergaygii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya oo ah madaxweynihii hore ee Kenya John Mahama, waxaana warqadda ku qornaa inuu daganyahay Kenya islamarkaana uu ganacsi ku leeyahay. 

Arrintaas ayaa loo arkaa in wali muujineyso in Soomaaliya ay wali ku taagantahay dagaalka siyaasadeed ee dalka Kenya, islamarkaana soo-celinta xiriirka uu muuqdo mid ku kooban kaliya oraah, oo aan ficil laga muujin.

Waxaa la filayaa in dowladda Qatar markale soo kala dhaxgasho labada dal oo ay markii hore ka shaqeysay inay soo celiso xariirkooda.

The post Xog: Laba qodob oo sababay inay dowladda Kenya joojiso duulimaadyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this