Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Lixdan jir Itoobiya ku qabatay dagaalkii 77 oo xalay la soo badbaadiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka iyo Laamaha Amniga Garoowe oo is kaashanaya, ayaa xalay soo badbaadiyay nin oday ah oo ku go’doomay biya ku soo rogmay togga magaalada Garoowe.

Oday Xasan Maxamed Cumar, ayaa fiidnimadii xalay ku go’doomay bartamaha togga, kadib markii biya ku soo rogmeen, xilli uu ka baxay magaalada, islamarkaana ku sii jeeday xerada Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad oo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda.

Kadib saddex saacadood oo uu ku go’doonsanaa togga dhexdiisa, ayaa markii dambe lagu guulaystay in la soo badbaadiyo, sida ay sheegeen saraakiisha Laamaha Amniga Garoowe.

Oday Xasan ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb-qaatay badbaadintiisa, gaar ahaanna rag dhalinyaro ah oo ka soo saaray halkii uu ku go’doonsanaa mudda saddex saacadood ah.

Sida isagu caddeeyay, da’diisu waa lixdan sano jir, waxaana mar lagu qabtay dagaalkii ‘77’ ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo dhaawacan, kadibna wuxu  kamid noqday maxaabiistii ay is weydaarsadeen labada dal.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Lixdan jir Itoobiya ku qabatay dagaalkii 77 oo xalay la soo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this