Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo burburisay dhismihii munaaradda Gaza iyo Xamaas oo gantaalo ku garaacday Tel Aviv

Recommended Posts

Deeq A.   
000_99R4MA.jpg?resize=1000%2C525&ssl=1Qiiq ka baxaya duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Qaza

Xamaas ayaa sheegtay inay 130 gantaal ku garaacday magaalada Tel Aviv ee Israa’iil kadib markii duqeyn dhanka cirka Israa’iil ka gaysatay dhismaha munaaradda Gaza.

Gantaalada Xamaas ayaa qaar kood ku dhaceen dhuun ay leedahay shirkadda tamarta Israa’iil, sida uu sheehay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta Israa’iil.

Muuqaal Video ah oo uu sii daayay Channel 12 ayaa muujiyay olol ka kacaya wax umuuqda inuu yahay weel weyn oo shidaal oo u dhow magaalada Ashkelon ee koonfurta Tel Aviv.

Gantaalada ayaa yimid ka dib markii Xamaas ay soo saartay amar kama dambeys ah oo looga dalbanayo Israa’iil in ay ka joojiso ciidamadeeda amniga masaajidka Al-Aqsa oo ka mid ah goobaha barakeysan ee Muslimiinta.

Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 10 caruur ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysanayaan marinka tan iyo dabayaaqadii Isniintii.

In ka badan 700 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed maalmihii la soo dhaafay.

Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota rabshado maalmahan ka socday magaalada Qudus.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo burburisay dhismihii munaaradda Gaza iyo Xamaas oo gantaalo ku garaacday Tel Aviv appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this