Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dhac iyo isbaaronimo 2.0 already

Recommended Posts

Waxaa maanta 26/04/2021 ciidamo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay qabsadeen hoteel seddex dabaq ah oo uu lahaa Isaaq Garoow oo ku yaalay KM4, magaalada Muqdisho. 

Ciidanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa ay goobta ku dileen hal qof, sedex kalena wey ku dhaawaceen oo dhammaan ahaa dadkii hoteelka Isaaq Garoow ilaalo ka ahaa. Dhammaan dadka dhibka loo geystay waa ****, kana tirsan beesha ****. 

Waxaan ugu baaqeynaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadkii ka danbeeyay dilkaan iyo boobka hantida shacabka in si deg deg ah ay uga soo jawaabaan dilka ay geesteen. Gurigana ay u faaruqeeyaan ama ka baxaan. 

Waa talaabo argagaxiso oo loo geystay dadka la dilay iyo hoteelka la qabsaday.

Golaga Samatabixinta **** waxa uu marka hore tacsi u dirayaa dadkii lagu dilay, Allah u naxriisto intii dhaawantayna Allah boqseeyo. Tan kale Golaha Samatabixinta **** wacaa uu si aad ah u cambaareynayaa talaabadaas foosha xun oo ay geysteen ciidanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxaana ugu baaqeynaa in si dhaqso leh jawaab uu uga soo bixiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Maxkamad dalka iyo dibadiisa ayaan ku dacweyneynaa xaduuqa ay ay bilaabeen ciidanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi90   

C/raxman c/shakur greatest qaain in somali politics, he is poisoning and tarnishing any legitimate and peaceful opposition against Farmajoos power grab. He and Axmed Madoobe, the two biggest traitors in somalia who should be in prison or exiled.

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Abdi90 said:

C/raxman c/shakur greatest qaain in somali politics, he is poisoning and tarnishing any legitimate and peaceful opposition against Farmajoos power grab. He and Axmed Madoobe, the two biggest traitors in somalia who should be in prison or exiled.

So why do you support him and co? Xasan Sheekh too is corrupt. I can understand Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Kheyre. But inta kale waa tuugo tuugo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi90   
1 hour ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

So why do you support him and co? Xasan Sheekh too is corrupt. I can understand Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Kheyre. But inta kale waa tuugo tuugo dhaafay.

Bro i think you are confused, why would you interpret opposition to Farmaajos illegitimate power grab as being synonymous with supporting this people? I want Xassan shekh and Shariif Axmed to stay as history, C/raxman kicked out of politics, Madobe and Indhacadde in prison, and Farmaajo like Xassan and Shariif to become history. My hope is in electing a new and better president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Fariin ku socoto musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Mudane sida aan horey fariin aan ku soo direy kuugu sheegay aadna ka war hayso 26kii bishan April, waxa ay ciidamadaada iyo ciidamo u yimi in nabadgelyadaada in ay ilaaliyaan kuwaas oo ka amar qaata Jeneraal Indhacadde ay xoog ku qabsadeen guri dabaq ah oo ku yaal aaga C/qaasim dhismahaas oo iska leh caruur aan habaryar u ahay aabahoodana la yiraahdo Isaaq Garoow oo ah nin ganacsade ah. Ciidankiina markii ay halkaasi galeen waxa ay dileen mid ka mid ah waardiyaashii guriga halka labo kalena ay dhaawaceen ka dib markii ay diideen in guriga lala wareego.

Sidoo kale ciidankiina waxa ay dhac u gaysteen hanti meesha wixii yaaley iyagoo sidoo kale jirdil u gaystay wiil aan habaryar u ahay, haddaba Cabdiraxmaanoow waxa nasiib daro ah adigoo ah musharax madaxweyne doonaya in dal dhan aad xukuntid aad waxba ka soo qaadey masiibaddii aad noo gaysateen. Hadaba Cabdiraxmaanoow adiga iyo Indha cade waxa aan idinku baaqayaa inaad qaadataan masuuliyada masiibaddii aad gaysateen aadna:

1) Sida ugu dhaqsiyaha badan aad ku soo celisaan hantidii ay ciidankiina qaateen.

2) Sharciga la mariyo ragii diley wiilka iyo kuwa dhaawaca loo gaystay.
Waxa aan rajeynayaa in fariintayda ku soo gaarto aadna muujiso masuuliyad.

Wabilaahi towfiiq."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.