Saalax

Ebola in Somalia? 8 dead and several hospitalized in eastern Berbera district, Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

 

Xanuun Halis Ah Oo Ka Dilaacay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Saaxil Ee Somaliland Iyo Tirada Dadka Ugeeriyooday

Thursday April 15, 2021 

Qaabka Uu Dad Iyo Xoolo U Saameeyey Iyo Qaylo-dhaanta Dadka Deegaanka"

Berbera -(HWN)- Odayaasha iyo wax-garadka degaanada Bariga Saaxil ayaa ka hadlay xanuun halis oo dad baddan ay u geeriyoodeen, halka ay qaar kalen u jiifaan,waxaanay xuseen in xanuunkaas ay duunyo baddan u lee’atay,iyagoo ugu baaqay Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka inay Gurmad deg deg ah loo fidiyo.

 

 

 

Odayaashan ayaa sheegay inuu xanuunkani markii hore uu xoolaha ku dhacay, balse markii dambe uu u soo gudbay dadka,isagoo ilaa hadda ay geeriyoodeen sida ay sheegaan dad tiradooda ay dhantay 8 qof,halka ay sheegaan inay u jiifaan dad tiro baddan,waxaanay xuseen inuu xanuunkani yahay mid halis ah,isla markaana uu qofka uu ku dhacaan dhiig ka keenayo xaga hore iyo xaga dambe, kadibna uu geeriyoonayo.

 

Waxaana kamid ahaa haddaladoodii kuwan:-" Waa in si deg dag ah loo soo gaadhaa dhimashadda dadka dhintay waa 8 qof inta u jiiftaana wey baddan tahay,dadkaasi dhiig ayey hunqaacayaan,kadibna naftu wey ka baxaysaa xanuunkaas ilaa hadda lama sheegin wuxuu yahay.”ayey sheegeen

 

Dhan kale odayaashan ayaa sheegay in xanuunkan uu laayey xoolo baddan waxanay ugu baaqeen Hay’ada ay khusayso ee Dowladda inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan"Waxaanu ka hadlaynaa odayaashayaddani xanuun ku dhacay degaanka Bariga Berbera, xanuunkaas waxa uu ku dhacay xoolaha wuu laayey Geel iyo Adhiba wuu laayey,ka bacdi wuxuu ku dhacay dadkii oo rag iyo dumar-ba leh in baddan oo aan la koobi karrina hadda wey u jiiftaa oo wey liitaan,waxa aanu codsanaynaa ciddii ay khusayso inay ka hawlgasho oo ay wax ka qabato oo la bad-baadiyo dadka iyo xoolaha ,waxaanu leenahay gurmad ayaanu u baahanay kan annaga na haya ayaa ka xun karoonaha qofka beerka ayaa digada noqonaya xaga hore iyo xaga dambeba dhiig ayuu ka sii daynayaa halkaas ayey ka baxaysaa.”ayey sheegeen

 

Ugu Dambeyn odayaashan ayaan ugu baaqay Xukuumadda inay gurmad deg deg ah u fidiso dadkaas," Baaqaa waxa aanu u diraynaa Dowladda Somaliland ,waxaanu leenahay Berriga Berbera ee xeebta karrin iyo aagiisa dhambaco iyo laas muuse waxa ka jira xanuunkaas oo halis ah oo dad iyo duunyaba haya waxaanu u baahanay gurmad.” ayay baaqoodan ku yidhaahdeen dadka deegaanku iyaga oo arrinka cudurkan ka hadlaya.

 

HADHWANAAGNEWS.CA

"Qaabka Uu Dad Iyo Xoolo U Saameeyey Iyo Qaylo-dhaanta Dadka Deegaanka"

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.