Mastermind

Somalia on the Brink of Another Civil War

Recommended Posts

Janaraal Koronto oo ku hanjabay inuu qabsanayo Dekada muqdisho

April 13, 2021 admin

Janaraal Maxamuud Maxamed Koronto oo ah Taliyaha Ciidamada Dowlada Federaalka ee Balcad ilaa Baledweyne ayaa kasoo goostay Villa Soomaaliya wuxuuna u diray hanjabaad Xukuumada walhtigeedu dhamaadey.

Janaraal Koronto wuxuu sheegey inuu qabsan doono Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha hadii aysan Xukuumadu kanlaaban Mudo kororsiga ay samaysteen.

Koronto wuxuu noqonayaa Masuulkii labaad ee tan iyo shalay kasoo xarig furay Xukuumada Farmaajo, Saadiq John oo ah Taliyaha Ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir ayaa shalay ka xarig furtay Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa ka jira in Ciidan uu Saadiq Joon wato ay degeen Shiirkolo Ofisaale

April 14, 2021 admin

Taliyaha La shaaciyey in Xilka laga qaadey laakiin wali sheeganaya inuu yahay Taliyaha Bileyska Gobolka Banaadir Saadiq Joon iyo Ciidan isugu jira Bileys iyo Malatari ayaa waxay caawa u hoyanayaan Xarunta Masuuliyiinta Ciidamada Qalabka Sida ee Shiirkolo Officale.

Ma cada sababta uu Ciidamada isugu geeyay Xaruntaas, oo u dhow Xarunta uu Degan yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida.

Warar kale io waxaa jira iyana sheegaya in Ciidamo ka Amar qaata Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ay Sare u qaadeen Amaanka Musharixiinta Madaxweynaha.

Puntlandi.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warlordism back in the capital. Soon you will hear Warlord Sadiq John, Warlord Farmajo iyo Warlord General Koronto.

This what happens when a country is led by dimwits. The sooner Farmaajo resigns the better. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online)- Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya.

 

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal.

Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad.

Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.

Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon.

S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka.

Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
13 minutes ago, maakhiri1 said:

U wish, meesha dawlad baa jirta, dadkaaka dhinac ka raac boowe, belo ha saadin!

The question is who will be fighting who?

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAAWO-Cabdiraxmaan Cabdirashakuur oo ku dhawaaqay inuu boorarkiisii furfurtay dalkuna xaalad adag galay & diyaar garaw…

April 14, 2021 Xuseen 2

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishhakuur Warsame ahne gudoomiyaha Xisbiga Waradajir oo ka hadlay xaalada dalka uu marayo ayaa sheegay in wadanku uu galay waji hugaamiye kooxeednimo, isaga oo madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ku eedeyay in uu jabinayo sharciga iyo xeerka dalka u yaala.

Waxaa warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay maanta maagalada muqdisho isaga oo sheegay in ay halis galineyso haddii farmaajo la aqoonsado waxii la soo tabcayay labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa kale oo uu daaha qaaday in xiriir hoose  uu Ereteritya kala dhaxeeyo Farmaajo, taasi oo kala geyneysa soomaaliya iyo beesha caalamka.

Dhanka kale musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur warbasame ayaa sheegay in uu magaalada muqdisho ka soo fuqsaday boorarkiisii musharaxnimo, waxaana uu ku micneeyay in doorasho iyo musharaxnimo aysan jirin.

Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay  meel mariyeen baarlamaanka soomaaliya, madaxweynaha waqtigiisu dhamaadayne uu saxixay, waxaana uu sheegay in ay ku shaqeeyaan amarka dowlada dhexe.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
5 hours ago, Mastermind said:

I am just reporting the news.

So, you guys are not firing any gun but cheering others to fight. Cajib.

The extension and election issue might be solved after the talk of Farmaajo is not president mantra subsides and the opposition comes to their senses.

Little advice for you Mr. Mastermind. Do not cheer for a criminal outlaw against the national government.

Haadaad aragto qawlaysato iyo dawlad is haya , weligaa dawlada taageer. Dhagar qabe dhiig badan qaba sida Sadiq naf kuuma haya adiga iyo kuwa Muqdisho jooga midna.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
6 hours ago, galbeedi said:

So, you guys are not firing any gun but cheering others to fight. Cajib.

The extension and election issue might be solved after the talk of Farmaajo is not president mantra subsides and the opposition comes to their senses.

Little advice for you Mr. Mastermind. Do not cheer for a criminal outlaw against the national government.

Haadaad aragto qawlaysato iyo dawlad is haya , weligaa dawlada taageer. Dhagar qabe dhiig badan qaba sida Sadiq naf kuuma haya adiga iyo kuwa Muqdisho jooga midna.

 

You should be happy as you were the one calling on Farmaajo to pacify Muqdisho by force. You have blood on your hands and you share all the crimes he is committing in the country, so don't talk.

As far as I am concerned there is no legitimate government in Somalia as we speak. I am supporting all officers to reject this power grabbing hungry dictator and he MUST be stopped NOW before it is too late. And it happening all over. Every person with little bit of intellect knew consensus is only way forward and not one man's wishes.
 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.