Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Millatariga Somaliland Ee Gobolka Sool Oo Qaabilay Ciidanka Ka Soo Goostay Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka qaranka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool ayaa qaabilay saraakiil iyo ciidan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Sareeye guuto Cali Bare Xuseen oo u waramaayay warbaahinta dawlada ayaa sheegay in iyo saraakiishaas iyo ciidankaas kas oo goostay maamulka Puntland ee Soomaaliya tiradoodu gaadhayso tobaneeyo, kuwaas oo sitay saanadoodii milatari.

Cali Bare Xuseen Taliyaha ciiidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay un ciidankaas ay ku qaabileen degaanka Goojo-cadde ee gobolka Sool, waxaa waxaanuu taliye Cali Bare wuxuu ciidankaas ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo ee Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaas la marin doono nidaamka u yaala ciidanka qaranka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this