Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo si wadajir ah uga hortimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilada Beesha Caalamka oo war-saxaafeed wadajir ah soo saaray, ayaa ka horyimid mudda kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka oo ku qoran Af-Soomaali, ayaa lagu sheegay in mudda kordhinta cusub ay wiiqayso amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana ay daahin doonto in doorashooyin lagu kalsoonaan karo dalka ka dhacaan.

Wakiilada Beesha Caalamku, waxay ku baaqeen in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, si heshiis dhab ah looga gaaro xallinta muranka arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, waxay ka digeen in xasilooni-darro iyo khalkhal amni ka dhasho mudda kordhinta cusub, waxaana ay dhinacyada ugu baaqeen in ay is xakameeyaan si aan qalalaase u dhicin.

Beesha Caalamku waxay sidoo kale ballan-qaadday in ay fududayn doonto wada-hadal kasta oo dhinacyada siyaasada dalku ay xal kaga gaarayaan muranka taagan si loo qabto doorasho la isu raacsanyahay.

Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo si wadajir ah uga hortimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this