Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo diyaarinaysa liiska Qaswadayaasha Siyaasada Soomaaliya, yaa kamida

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey uu saxiixay Mudo kordhin laba sano ah oo isaga iyo Baarlamaanku samaysteen ayaa Beesha Caalamku waxay badaleen Qaabkay ula hadlayeen Madaxda Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo Maraykanka iyo Midowga Yurub u horeeyaan waxaa u cadaatay In Madaxweyne Farmaajo uu iska dhaga tiray baaqyadii nabdoonaa ee ay usoo jeediyeen, haba u dambeeyey baaqii shalay ahaa in Miiska Wadahadalka lagusoo laabto lagana waantoobo mudo kordhinta, Laakiin Saxiixii uu Xalay Madaxweynuhu saxiixay Mudo kordhintu waxay jawaab u ahayd baaqyadii Beesha Caalamka.

Warbaahinta Puntlandi.com oo kaashanaya Ilo Dublamaasiyadeed, Waxaan ogaanay in Beesha Caalamku ay diyaarinayaan Liiska Magacyada loogu yeeri doono qas wadayaal, kuwasoo wajihi doona Xayiraado dhaqaale iyo mid safarba.

Sida aan Xogta ku hayno Liiska waxaa kasoo dhex muuqan doona Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad kale oo gacan saar la leh Madaxweynaha.

Waxaa la xaqiijiyay ilaa hada in liiska ay u horeeyaan

  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal
  • Madaxweyne Farmaajo
  • Gudoomiye Xigeenada Baarlamaanka Cawad iyo Muudey
  • Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaarkood
  • Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen Liiska kuma jiro Fahad Yaasiin oo ah Taliyaha Nabad sugida (NISA),

Wixii kasoo kordha jawaabta Beesha Caalamka kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Garowe

3111BD29-7F78-4906-9EF6-58EA28034483-406

The post Beesha Caalamka oo diyaarinaysa liiska Qaswadayaasha Siyaasada Soomaaliya, yaa kamida appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this