Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ay ku la’adeen dad badan oo shacab ah oo ka dhacay Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu qabsaday baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah, xili uu marayey nawaaxiga tuulada Gololey, oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Balcad.

Sida ay ilo-wareedyo deegaanka ah u sheegen Caasimada Online, baabuurkaan ayaa waxa uu siday dad ka badan 24 qof, oo qaarkood ay ku dhinteen qaraxa miino, halka ay in kale ku dhaawacmeen, waxaana ka bad-baaday oo keliya 4 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawacyadii loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Gololey uu ka dhaco qaraxyo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay, kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga iyo baaburta rayidka ah intaba.

Mas’uuliyada qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirta madaxda dowladda iyo ciidamada xooga dalka.

The post Qarax ay ku la’adeen dad badan oo shacab ah oo ka dhacay Gololey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this