Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News — Shirkii Afisyooni oo si rasmiya u burburay hada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalmahaan waxaa la faliyay in miiska Wadahadalka ee yaal Afisyooni ay isugusoo laabtaan Madaxda Soomaaliya iyadoo dhanka Beesha Caalamka ay iyana dadaal la isugusoo laabanayo ay wadeen tan iyo saaka, waxaana maanta la filayay in la isu soo laabto ama loo balano kolka la is arki doono, laakiin taas ma dhicin.

Warar rasmi ahmi ah oo ay heleen Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com , Rajadaas ama daaqadaas hada si rasmi ah ayay u xirantay.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland waxay diyaar u ahaayeen maalmahaan in ay miiska Wadahadalka kusoo laabtaan ayna la kulmaan Madaxdaxeeyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Sadexda Maamul Goboleed Galmudug, K.Galbeed iyo Hirshabelle laakiin waxaa haba yaraatee war laga waayay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ku adkeysteen in Shirkii uu burburay.

Sida ay Puntlandi Xogta ku hayaan, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxay maanta oo Axada ay ku wargaliyeen Beesha Caalamka in Madaxweyne Farmaajo uu si ulakac ah u diidan yahay in la Wadahadlo idla markaasna uu ku cadaadiyay Madaxweynayaasha Galmudug. Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed inay ka maqnaadaan Shirka.

Midharixiinta ayaa iyana dhankooda Wadahadal u socdaa caawa oo Axada waxaana la filayaa inay Saxaafada la hadlaan ama soo saaraan Qoraal ay uga hadlayaan Xaalada Dalku wajahayo.

Beesha Caalamka ayaa hada wada Dadaalkii ugu dambeeyay oo ay Wadahadalka inuu sii socdo ay ku badbaadinayaan. Waxayna Caawa Xiriir la samaynayaan dhamaan Qaybaha ishaya.

Puntlandi.com Muqdisho

A2E3A683-833B-45E9-890F-CDBA64DE037B-754

The post Breaking News — Shirkii Afisyooni oo si rasmiya u burburay hada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this