Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
Gareen.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa galabta oo Axad ah dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

War kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ayaa lagu sheegay in uu dib ugu laabtay Baydhabo kadib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Safarkiisa ayaa ku soo beegmay xilli uu dhowaan natiijo la’aan ku dhammaaday shir u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka kaas oo ka socday xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

Villa Somalia ayaa sheegtay in shirkaas uu fashilmay islamarkaana  Deni iyo Axmed Madoobe caqabad ku noqdeen balse Puntland iyo Jubaland arrintaas waa beeniyeen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Lafta Gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this