Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax qasaaro geeystay .

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo lagu nasto taas oo ku taalla bartamaha magaalada, kaas oo lala eegtay gudoomiyaha Gobalka Bay Cali Wardheere kaas oo xilliga uu dhacayay ku sugna maqaaxida .

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha iyo Ilaaladiisa ay ka badbaadeen Qaraxa lagula eegtay Maqaaxida Suweys.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay halka tira intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

171770333_851133295801574_79891124030581 171430196_851133185801585_16775962331853 171341236_851133249134912_56527883367793 171338559_851133275801576_10035336189861 170192063_851133232468247_55411029336272

GoobJoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this