Mastermind

Wasiir Dubbe's Lies Exposed.

Recommended Posts

Horseed Media oo kashiftey xilliga la duubay Muuqaalkii Dubbe.

posted Horseed Staff

ShareTweet

Maalintii shalay waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaadey shirkii dhamaystirka taabo gelinta doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo kulankiisu qaatey Sabti, Axad iyo Arbaco, waxaana uu hakad galay labo maalmood.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda xil-gaarsiineed Cismaan Dubbe ayaa maalintii shalay soo saarey muuqaal uu ku sheegayo in shirku fashilmey, isla markaana eedeeyey Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubaland kuna tilmaamey in aysan doorasho dooneyn.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyey VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamey iyaga oo bil u fadhiey Muqdisho xal Soomaaliyeed in warka caynkaas ah Dowladda xilkeedi dhamaadey ka soo yeero, wuxuu sheegay in Muuqaalka Dubbe la duubey mar hore, isaga oo soo xigtey dharka uu shalay shirka ku joogey iyo kan marka muuqaalka la duubey ayba labo kal ahaayeen.

Warbaahinta Horseed Media ayaa iyada oo ka duuleysa arrintaas waxay baaritaan ku samaysey xiliga la duubey Muuqaalka Wasiir Dubbe.

Sida la wada og yahay shirku waxa uu furmey 03 Abril 2021 xerada Afisiyoone, maalintaas wax war ah kama soo bixin waxaana uu u badnaa shirku mid wada hadalka lagu bilaabaayey. 

Maalintii ku xigtey ee 04 Abril 2021 ayaa shirka dib loogu soo laabtey gelinkii danbe ee maalintaas, ayaa weriyaasha la shaqeeya Villa Somalia dabaceen in Shirkii burburey oo Madaxweyanayaasha Puntland iyo Jubaland ay shirka ka baxeen kadib markii shuruudahoodi la aqbali waayey, waxaa arintaas beeniyey Madaxtooyada Puntland, waxaana ay sheegeen in shirku dib u bilaaban doono 06 Abril 2021 maalin wadatashi ah la galay taas oo uu codsadey Madaxweynaha Galmudug.

Arrintas ayaa muujineysa in Villa Somalia markii horeba dooneysey in shirku uu burburo, sida ay xogta hoose ugu gudbisey Weriyaasha ku xiran.

Kadib markii Weriyaasha ku xiran Villa Somalia ay baahiyeen warka sheegaya in Shirkii Burburey oo ay ka baxeen labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland, waxaa i soo baxay qoraal kooban oo UNSOM soo saartey laguna dhiirigelinaayo shirku sii socdo, iyada oo maalin kadibna ay soo saareen qoraal wadajir ah oo ay u dhan yihiin dhamaan Wakiilada Beesha Caalamka.

Cismaan Abokor Dubbe waxa uu gelinkii danbe ee Axadda 04/04/2021 ka qaybgalay shir ka dhacay Hotel Decale ee xayndaabka Xalane, kaas oo lagu dooranaayey Hoggaanka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska, kadib markii uu shirkaas dhamaadey waxa isaga oo aan iska beddelin isla muuqaalkii uu kaga qaybgalay shirkaas sida Suudhka, Shaarka, Qoorxirka, Afxirka iyo koofiyadda Eeshiyaanka uu tegey Xerada Afisiyoone halkaas oo uu ku duubey muuqaalka la siidaayey shalay, marka la tixraaco warka ay faafiyeen weriyaasha sida tooska ah ugu xiran isaga iyo Villa Somalia 04/04/2021 ee ahayd in shirku burbrey, waxaa Dowladda ula muuqatey in dib loo dhigo baahinta muuqaalkaas, taas oo lala sugey maalinta shirku dib u bilowdey, kadib markii Puntland baahisey in shirku wadatashi maalin ah galay.

Dhanka farsamada iyo aqoonta Tiknoolajiyadda Video-kasta waxa uu lee yahay wax loo yaqaan METADATA taas oo sheegta xiliga la duubey, aalada la isticmaaley marka la duubey, waana nidaam ay isticmaalaan khubaradu marka la doonaayo VIDEO lagu sameeyo Analysis, khabiir dhanka IT-da ah ayaa Horseed Media xiriir la samaysey waxaana uu sheegay in aan Fiidyowga lagu samayn wax isbeddel ah (decode) oo ay ku hayaan ANALYSIS, natiijadana la soo bandhigaayo, nidaamkan ayaa ah midka lagula dagaalamo waxa loo yaqaan MISINFORMATION ama MARIN HABAABINTA

Hoos ka daawo Muuqalka 04/04/2021 ee Hotel Decale iyo kii shalay la baahiyey ee isla maalintaas la duubay.

Horseed Media

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daawo Wasiirkii Warfaafinta Sadam Xuseen Iyo Wasiir Dube hal mid ayay ka siman yihiin

April 8, 2021 Ahmed Jama

Dagaalkii Ay Ciidamadii huwanta ee ay hogaaminayeen Maraykanku ay ku qaadeen Sadam Xuseenkii Ciraaq ka talinayay waxaa laga xasuustaa Wasiirkiisii Warfaafinta Mohammed Said al-Sahaf oo xiligii Dagaalku socdey maalin walba Shirka jaraa’id qaban jiray.

Shirarka Jaraa’id ee Wasiirku wuxuu Caalamka u sheegi jiray Borobogaando been ah oo lagu taageerayo Sadam Xuseen, Hadaladisii waxaa kamid ahaa , waan tirtiray Ciidamadii huwanta, sidii Jiitka ayay u yaaceen iyagoo firxad ah, Ciidamada Cirka kasoo dhacay ee Ciraaq ayaa soo ridey Diyaarado, laayayna Ciidamadii Maraykanka, Madaxweyne Sadam Xuseen Aabaha Ciraaq wuu guulaystay, Hada ogow xiliga uu saas u hadlayo qarka ayaa loo saaraa Baqdaad ilaa aakhirkii Wasiirka oo Shir jaraa’id qabanaya ay Ciidamadii huwanta dhinac walba kasoo galeen Baqdaad.

Mohammed Said al-Sahaf wuxuun Aduunka ku caan baxay Wasiirkii Aduunka ugu beenta iyo Borobogaandada badnaa uguna indha adkaa, isagoo difaacaya Sadam Xuseen 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Farmaajo Cusmaan Dubbe waxba kama duwana Wasiirkii Sadam Xuseen ee Warfaafinta, Wasiir Dube wuxuu Been iyo borobogando ku difaacayaa Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey, 

wax yar ila Daawada Mohammed Said al-Sahaf Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadii Sadam Xuseen,

spacer.png

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
17 hours ago, Tillamook said:

Ha ha ha...😁

Dubbe, reminds me of SOL’s Suldaanka! 😁

Kkkk sxb amuu suldaaanka yahay waayadan lama arage ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

VIDEO: Odayaal afka furtay,”Somalilandney Dubbe naga qabsada haddii kale waa nagu dhimanayaa”

April 10, 2021 Xuseen 17

Puntlandtimes (CADAADO)-Qaar kamid ah waxgaradka deegaamada Galmudug gaar ahaan Cadaado ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo war-saxaafadeedkii uu baahiyey wasiirka warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.

Waxgaradka hadlay ayaa waxa ay ku eedeeyeen wasiirka mid wax carqaladaynaya isla markaana sii daayey war aan farxad gelin dhegaha shacabka Soomaaliyeed ee dhowrayey heshiis u dhexeeya madaxda Soomaalida oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa ay ugu baaqeen beeshiisa iyo guud ahaanba maamulka Somaliland inay ceshtaan isla markaana ay wasiir Dubbe ka qabtaan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoona ku hanjabay inaysan u dulqaadan doonin hanjabaadaha wasiirka iyo isku dir ay sheegeen inuu samaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

 

The Afessione  summit had ended in deadlock already Sunday 04/04/21 when Dani and company demanded that Farmaajo must declare his authority to be over and firing or disabling of the security apparatus including military, intelligence and police while they are fighting Al-shabaab.

As a government they already decided not to waste their time and probably prepared their statement accordingly. Who knows, minister Dubbe might have prepared two answers one with negative outcome and the other with positive and cheerful messages. Folks, that is how modern governments work these days. You must prepare. 

Look at  C/laahi Dani, probably no  one double checks or even cleans the text from foul language before standing in front of the microphone.. Last time when he held a press conference in  Garoowe he was talking about Hargeisa ladies making dates  at 5:00 AM which was unnecessary gaffe.

5 hours ago, Mastermind said:

Waxgaradka hadlay ayaa waxa ay ku eedeeyeen wasiirka mid wax carqaladaynaya isla markaana sii daayey war aan farxad gelin dhegaha shacabka Soomaaliyeed

Dadkan wax baa kasi ah.

The minister is the spokesman of the government. He doesn't speak for himself, but on behalf of the government. If these stupid elders have a beef with the press release let them take their case with Farmaajo or Premier Rooble.

Muuse Suudi Ayaa dhawr weeg ka hor lahaa" Somaliland Khadar Guuleed Hanaga qabasato" Waxay malaha ha u Haystaan in Habraha hal lmeel ooga taliyo. 

Mudisho waxala yidhaahdaa Dubbe waa " Wasiirkii soo daahay"  which means he should have been here long ago. He is a fresh face who commands attension.

He is fluent in both Arabic and English with extensive knowledge of history and culture. Only learned man can qoute Jalaludeen Rumi.

Waxaan Sugnaaba waa dhawaaqa Dubbe.

When the country collapsed in 1991, the " engine of bureaucracy" went to north and other places leaving behind the body of the vehicle. In order to restart the vehicle , we must bring the enginelike Dubbe and others to move forward.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wuu soo daahay dubbe waa dhaqan yaqaan hor joogsi iyo hadal xisaabsan isku darsaday.

Waxaan aad uga helay markuu ugu maah-maahay 

Faras ninkii dabadiisa ka degay meel uga toolmoon buu waayay.

Maah-maahduna waxay ahayd asalkeedu, dameer nin dabadiisa ka degay meel uga toolmoon buu waayay.

Si uu xaal isaga ilaaliyo wuu yaqaan in hadal amaano yahay intuusan dibnahaaga soo dhaafin. 

Halka dani dhiiqo iska dhex fariisto markuu hadlaba ama uu fiiriyo labiska dharka ragga wax ka dhexeeyaan.

Ceeb intaa ka badan yuusan reer puntland usoo jiidin meeshu waa 4.5 wax kasta waa xisaabsanyihiin.

Haday leeyihiin odaygii carabka ahaa oo doonta kasoo degay wuxuu ku dardaarmay, in markuu dhinto ka dib wixii doon ku yimaada uu asagu dhalay, ha noo cadeeyeen, si dhaqanka iyo qawlka labadaba looga cafiyo.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.